Shan sano uu talada haye qaswade farmaajo waxa ay eheed mid u dhigantah tii adeerkii Siyaad Barre

 

farmaajo



Maamulka Farmaajo wuxuu ku tuntay dastuurka iyo shuruucda dalka waxaan waajib ah in lagula xisaabtamo danbiyada ay galeen 5 sano ee la soo dhaafey

Sidhookale Dowladda Farmaajo waxa ay gacan saar la leh Al-shabaab in ay gacanta ugaliso gobollada dalka Soomaaliya sidhookalenh ay uguna adheegsan jirtey daneheeda qaaska ah

Shidhookale Xukuumada kaligii taliye Farmaajo waxay kucaan eheed la shaqeenta iyo u adeegsiga daneheeda dil iyo hanjabaad kuwa kasoo horjeeda iyo adheegsiga alshabaab

Dawladii kaligii taliye Farmaajo ayaa ahayd tii ugu dhawayd ee uu hayn jirey gumaysigii adeerkii Siyaad Barre shan sano oo waxaa soo martey umada soomaaliyeed u ekeed tii ka jirtey 25 sano kahor

September 10, 2012 markii madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay madaxtinnimada, Al-shabaab waxay heysteen 80% koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, keliya waxaa xor aheyd caasimadda iyo magaalooyinka ku teedsan

sida Balcad iyo Afgooye, si dowladnimada iyo amniga loo baahiyo inta uu Xasan Sheekh joogay xafiiska waxaa uu Shabaab ku qaaday saddex hawlgal oo kala ahaa: Shabeel oo xor looga dhigay Muqdisho illaa Jowhar, Hawgalka Gorgor oo lagu xoreeyey 10 magaalo

sida Xuddur, Buulo-burde, Jalalaqsi, illaa Beledweyn, Ceelbuur iyo hawlgalka Badweynta Hindiya oo lagu qabtay 8 degmo oo u badan xeebta oo ay ku jireen Cadale, Marka illaa Baraawe.

5-tii sano ee Farmaajo xafiiska joogay, waxaa isbeddelay istaraatiijiyadda dagaalka ee ciidanka iyo caqiidadooda. Kooxda Farmaajo waxaa ay xoogga saareen sidii ay u heli lahaayeen ciidan iyaga daacad u ah, iyada oo dib u habeyn loogu marmarsiyoonayo

waxaa ay shaqada ka direen illaa 3 kun, heshiis-ka keliya ay galeen waa mid ay dhallinyaro qafaal ah ugu kaxeeyeen Eritrea, kuwaas oo qaarkood ku dhintay dagaallada sokeeye ee gudaha Itoobiya. Hoggaanka ciidanka oo aqoon iyo khibrad lagu xulan jiray waxaa laga dhigay dhallinyaro aan horay loo tijaabin, dhulna aqoon, waxayna xoogga saareen in ciidan-ka loo adeegsado u xoog-sheegadka beelaha, maamullada federaalka ah iyo shacabka,

waxaa ay dowladdu ciidan ku afgambisay Baydhabo, Beledweyn, Guriceel iyo Dhuusamarreeb halka ay isku deyday Kismaayo, taasi waxay keentay in xoogga dalka iyo Al-shabaab ay 5-tii sano ee tagtay isku heystaan Shabeellada Hoose sida Afgooye, Bariirre iyo Jannaale, ayna go’doomaan, dhulna aan lagu tagi karin degmooyinkii uu xoreeyey maamulkii ka horreerey sida Baraawe, Baydhabo, Xuddur, Jowhar, Jalalaqsi, Buula-burte halka goobo kale ay ka baxeen gacanta dowladda sida Ceelbuur.

Dawladii qaswade Farmaajo waligeed ma aysan isku kayin in ay wax ka qabato  dhibaatooyinka haysta shacabka Soomaaliyeed, sida abaaraha iyo dhaqaale xumada dalka ka jirta waxa uu kaliye ku hawlanaay sidhii uu shacabka soomaaliyeed u maquunin la haay uuna u sii fadhin la haay xukuka

 

Post a Comment

0 Comments