Abshir Gaarane oo sheegay in dowladda Farmaajo ey ku qasabtay in uu sheegto in uu yahay Al-Shabaab kadib jirdil loo geestey awgee

Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo NISA oo ku eedheeyey in ay u geesatey jirdil



Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo dhibane u ah hey’adda Nabad Suigdda Soomaaliya ee NISA ayaa bixiyey wareysigii ugu dheeraa tan iyo markii xabsiga laga sii daayey sanadkii hore ee 2021-kii.

Abshir Gaarane, ayaa shaaca ka qaaday in NISA ay gashay dambiyo waaweyn, dil, xarig iyo shirqoolo 5-tii sano ee lasoo dhaafay maalinba maalinta kadanbeeyso waxaa soo if baxaayo kiisas badano oo aan dhamaad leheen oo ah danbiyada ay geesteen farmaajo iyo fahad yasiin

Sanadkii 2020-kii ayaa twitterka NISA lagu baahiyey Abshir Gaarane oo qiranaya uu 13 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse wareysigaan ayuu ku soo bandhigay dhibaatadii loo geystay ee ku kaliftay inuu sheegto Shabaab uusan aheyn.

Abshir oo lasoo xiray bilowgii bishii koowaad ee sanadkii 2020 ayaa sheegay in maalinkii sagaalaad ee xabsigiisa uu ku qasbanaaday inuu qirto wixii ay doonayeen ragii jir-dilayey ee Jilicow ku soo xiray NISA waxa ay geesatey dabnbiyo waaween oo ka dhaha shacabka waxaan ka dalabaneeynaa dawlada cusub in farmaajo iyo fahad yasiin ay maxkamad soo taagto sida ugu dhaq siyaha badan

Seddax bilood ayuu sheegay inuu ku xirnaa godka jilicow halka xabsi ku yaalla madaxtooyada uu ku xirnaa mudo sanad ah sida uu ku cadeeyey wareysigaan fahad iyo farmajo waxay adeegsan jireen maleeshiyaad ay soo tababarteen waxayna ku eedeyn jireen in ay ka tirsan yihiin alshabab iyagoo jirdil xoogan u geystaan ka dibna video xoog ah ay ka duubaan

Farmajo iyo fahad waa in maxkamad la soo taaga si loogu qaado dembiyadii ay ka galeen dalka iyo shacabka si loo helo cadaaladii la sugaayey shantii sano ee xukunka haayeen iyagoo loo haysto dambiyadan laga galay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda siyaasadda


Post a Comment

0 Comments