Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay heshiis la gaartay Lewandowski

 

Robert Lewandowski


Barcelona ayaa ku dhawaaqday maanta oo Sabti ah inay heshiis rasmi ah la gaartay Bayern Munich, si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski, ka dib wadahadalo marathon ah toddobaadyadii la soo dhaafay.

Barcelona ayaa bayaan rasmi ah ku daabacday website-keeda, waxayna ku tiri: “Barcelona iyo Bayern Munich waxay gaareen heshiis lagu dhameynayo heshiiska Robert Lewandowski, ciyaaryahankuna wuxuu sugayaa baaritaanno caafimaad iyo saxiixyada qandaraasyada.”

Lewandowski ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Balearic ku qaabilay saxafiyiin iyo warbaahin badan oo Spain ah iyo waliba qaar ka mid ah taageerayaasha, waxaana la weydiiyay su’aal ahayd inuu ku faraxsan yahay.

"Haa, aad ayaan u faraxsanahay," Polish ayaa ku jawaabay Ingiriis, sida ku cad muuqaal fiidiyow ah oo ku saabsan imaatinka.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee wargeysyada, weeraryahanka reer Poland ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Barca 4 bilood ka hor, waxaana uu saxiixi doonaa qandaraas soconaya ilaa 3 sano.

Dhawaan ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Barcelona ay heshiis kama dambeys ah la gaartay Bayern Munich si ay ugu darto weeraryahanka reer Poland lacag dhan 45 milyan oo Yuuro, iyadoo ay la socoto 5 milyan oo kale oo dhiirigelin ah.

Post a Comment

0 Comments