Fahad Yaasiin oo fariin soo direy oo uu ku doonaayo in uu saxada siyaasadeed ku soo laabto

 

Talada fahad oo noqotey mid aan nuxur leheen

Agaasimihii hore ee Hay’ada NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo kusugan Dalka Turkiga ayaa soo diray Fariin ah In khatar amni oo xoog badan ay abuuri karto tallaabada ay argagaxisadu qaadeen ee ay xadka Itoobiya ugudbeen isagoo ku baaqay in deg deg loo dhiso xukuumada cusub Ee Soomaaliya.

Kooxda argagixisada ah ee Alshabaab ay ka tallaabaan xadka, oo ay gudaha dal daris la ah Soomaaliya ay u gudbaan iyagoo cudud iyo ciidan wata, ayna geystaan weeraro ay dhul kula wareegayaan, oo aan ahayn ku dhufoo ka dhaqaaqii looga bartay iyo khasaare baaxad weyn, waa dhacdo halis ku ah gobolka oo dhan, waana tallaabo ugub ah oo khaldi karta qiyaasta laga qaadan karo dhacdooyinka ku xiga. 

Nin dembiyo ku eedeysan inuu Dadka iyo Dalka ka galay ayaa waxaa hawooday inuu tala siiyo Madaxdi beddeshay madaxdi dowladi uu dembiyadaa ku hoos galay, sababta waxaan is iri inay u muuqatay in aan xissab ku soo socon haddii uu arkay in aanan la xisaabin asxaabtiisi weli ku sugan gudaha dalka muddo 2 bilood ku dhaw!!

se Waxaa la yaab leh sida uu dambiile Fahad Yaasiin oo kale ah u soo jeediyo tallooyin lagu ciribtirayo Al-Shabaab oo dhulkii Soomaaliyeed ku balaadhiyey ilaa 70% ay ka gaareen markii uu ahaa madaxa NISA.

Mise waa isku day ay Fahad & Farmaajo ku doonayaan in ay dib ugu soo laabtaan saaxada?

Fahad Dowladnimada ayuu u malaynaa inay sidaas u shaqayso amarkiisa qofkii fuliyo ayaa ka xun Maxaa yeelay xaqba uma leh inuu soo saaro wareegto hadaan loosoo wakiilan oo uusan kula lamaanayn Taliyaha gobolka ama midka guud ee booliiska. Yaa u sheega siduu mooday maahan dowladnimada

Se fahad yasiin markuu jogay maxuu wax u qaban wayay hada calacal muxuu taraa iyo sidaan ha la sameeyo horaa waxaa lo yiri meel ama ka maqnow ama ka muuqo hadalkisa waxba laga faa'idi maayo wax nuxur ahna maleh

Post a Comment

0 Comments