Gotze: Klopp wuu ka fiican yahay Guardiola, wuuna ka qoomameynayaa diidmada Liverpool

 

wararka ciyaaraha

Mario Gotze oo ka tirsan Eintracht Frankfurt ayaa sharaxay farqiga u dhexeeya tababaraha Liverpool Jurgen Klopp iyo dhigiisa Manchester City iyo Chelsea, Pep Guardiola iyo Thomas Tuchel. “Tababare kastaa waxa uu leeyahay awoodiisa iyo falsafadiisa gaarka ah, laakiin aniga aragtidayda, Klopp waxa uu ku fiican yahay dhinaca maaraynta walxaha bini’aadamka,

hadday yihiin ciyaartoy kooxeed ama xubno ka tirsan shaqaalaha farsamada,” ayuu Goetze ku yidhi bayaannada, gaar ahaan Sport1. Ka dib 3 sano oo uu la joogay Bayern Munich, weeraryahanka Jarmalka ayaa ku laabtay Dortmund 2016, ka dib markii uu diiday dalab uga yimid Liverpool, taasoo ka dhigtay inuu ka qoomameeyo

tallaabadan. Isaga oo arintaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Liverpool waxa uu ku dhamaystay xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee Klopp isaga oo ku jira kaalinta 8-aad ee horyaalka waxana aanu u soo bixin champions league xitaa sanadihii hore kuma jirin kooxaha ugu sareeya”. Waxa uu intaa ku daray, "Dortmund waxa uu soo qaatay xilli ciyaareed heersare ah oo uu hoggaaminayey Tuchel, halka Klopp uu koox ka dhisayay Liverpool, mana cadda in uu hadhow noqon doono mid awood badan."

30-sano jirkaan ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay Bundesliga isagoo ka yimid Eintracht Frankfurt, kaasoo ka qeyb gali doona Champions League xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii uu ku guuleystay horyaalka Yurub.
"Waxaan la socday Frankfurt, kaliya maahan toddobaadyadii la soo dhaafay, laakiin 4 ama 5 sano ee la soo dhaafay, waxaanan arkay sida ay u horumartay, maadaama ay ahayd horyaalnimada koobka 2018," ayuu yiri Goetze.


Mar wax laga weydiiyay qorshihiisa labada sano ee soo socota, wuxuu ku jawaabay, "Waxaan diiradda saaray maanta, berri iyo toddobaadka soo socda, dabcan waxaan leeyahay hadafyo, laakiin waxaan u oggolaadaa inay wax u dhacaan si dabiici ah."

Post a Comment

0 Comments