Jesus ayaa si rasmi ah ugu biiray Arsenal

 

sooqa kala iibsiga




Kooxda Arsenal ayaa si rasmi ah u shaacisay in ay heshiis wakhti dheer ah ka saxiixatay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus kaas oo uu kaga soo biiray kooxda Manchester City.

Website-ka rasmiga ah ee Gunners-ka ayaa lagu sheegay in Jesus, oo 25 jir ah, uu si buuxda u dhameystiray ku biiristiisa Arsenal, uuna isku diyaarinayo xilliga isku diyaarinta kooxda.

Brazilian-ka ayaa ka qeyb galay 236 kulan oo uu la qaatay Manchester City 5 xilli ciyaareed, wuxuuna dhaliyay 95 gool.

Jesus ayaa kooxda Arsenal u xiran doona lambarka 9-aad. 

Dhankeeda, wargeyska Independent ee ka soo baxa Ingiriiska , ayaa sheegay in qandaraaska Jesus ee Arsenal uu yahay 5 sano, ka soo wareegistiisa Manchester City ayaa lagu dhameeyay 45 milyan ginni.

Manchester City ayaa la soo saxiixatay labada weeraryahan ee Erling Haaland iyo Julian Alvarez, taasoo albaabka u furtay bixitaankii Jesus xagaagan
.

Post a Comment

0 Comments