Fannaanad la xiray ka dib markii ay wax ka sheegtay dugsiyo diini ah oo uu Erdogan wax ka soo bartay.

Gulsen Colakoglu

Fanaanada reer Turki ee Gulsen ayaa xabsiga loo taxaabay waxaana lagu eedeeyay in ay hurinayso nacayb ka dhashay kaftan ay ka samaysay iskuulo diini ah, Bishii Abriil, Fanaanada waxay ku kaftantay in xubin ka mid ah kooxdeeda "uu yahay qof ay wax ka khaldan yihiin " taas oo ay ugu wacan tahay inuu soo maray mid ka mid ah iskuulada diiniga ah.

Inkasta oo uu hadlkaasi ahaa mid hore, haddana wuxuu dhowaan qabsaday barta internet-ka, iyadoo aad loo dhaleeceeyay, Dadka dhaliila Dowladda Erdogan ayaa sheegaya in xariga uu yahay mid uu ku doonayo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan inuu taageero ku helo ka hor doorashooyinka sanadka soo socda.

Kahor inta aan xabsiga la dhigin, Gulsen waxay raaligelin ka bixisay baraha bulshada waxayna soo jeedisay in hadalkeeda ay buun-buuniyeen kuwa ujeedadoodu tahay "in la kala geeyo  bulshada." Qoraal ay soo dhigtay baraheeda Twitter iyo Instagram, ayay ku sheegtay in hadalka ay tiri iyada oo “la kaftameyso saaxibadeed" ayna raaligelin buuxda siinayso qof kasta oo ka xumaaday hadalkeeda.

Haatan waxaa lagu sii hayaa xabsiga halkaas oo ay maxkamd ku sugeyso, Madaxweyne Erdogan oo markii ugu horeysay ee xisbigiisa AK Party uu xukunka qabtay muddo 20 sannadood ka hor ah ayaa wax ka bartay mid ka mid ah dugsiyadii ugu horreeyay ee Imaam Hatip ee Turkoga kaas oo ay dowladdu u aas aastay in dhallinyarada lagu baro inay noqdaan imaamyo iyo daaciyaal.

Qaar badan oo kale oo ka tirsan dawladda ayaa sidoo kale ka soo waxbartay machadyada diiniga ah, Fanaanada oo magaceeda buuxa la yiraahdo Gulsen Colakoglu, ayaa waxaa horay u cambaareeyay qeybaha kala duwan ee muxaafidka ah ee bulshada Turkiga, sababo la xiriira labiskeeda iyo taageerada ay siiso xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isu galmoodo.

Xariga haweeneydan oo 46 jir ah ayaa dalka kala qeybiyay, iyadoo dadka muxaafidka ah iyo kuwa taageersan dowladda ay si weyn hadalladeeda ugu sifeeyeen inay yihiin “af-lagaaddo”, halka dad badan oo kale oo madax banaan iyo kuwo mucaarad ahba ay dhaleeceeyeen xarigeeda oo ay ku tilmaameen mid aan loo meel dayin.

Tallaabadan ayaa sidoo kale timid iyadoo ay socdaan doodo ku saabsan xisbiga AKP ee lagu eedeynayo inuu "faragelin ku hayo qaab nololeedka caadiga ah ee dadka", marka lagu daro mamnuuciddii dhawaan lagu soo rogay dhowr xaflad faneed oo lagu waday inay ka dhacaan Turkiga.

Qaar badan oo ka mid ah dadka isticmaala aaladda Twitter-ka ayaa cambaareeyay xariga Gulsen, iyadoo dadka qaar ay ka soo qaadanayeen wadaad dhawaan soo jeediyay in la laayo kuwa aan tukan salaadda kaas oo ay ku sheegeen inaan laga qaadin tallaabo sharciga waafaqsan.

Qareen Feyza Altun ayaa sheegtay in go'aanka lagu xiray fannaanadda  uusan ahayn mid “sharciga waafaqsan” waxayna ku doodday in Gulsen loo xiray sababo la xiriira labiskeeda iyo taageerada dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda, Hase yeeshee, qaar kale oo baraha bulshada isticmaala ayaa soo dhaweeyay  xariga waxayna ku tilmaameen inay "Tusaale wanaagsan u tahay waxa ku dhici doona kuwa ka gudba xadka".

"In qof ka socda iskuul, naadi kubbadda cagta ama qowmiyad loogu yeero 'kuwa aan toosnayn' waa dambi nacayb ku saleysan," ayuu yiri Fuat Ugur oo qoraa ah, Wargeyska dowladda taageera ee Yeni Safak ayaa cinwaan uga dhigay: "Fannaanadda  waxay ka tallowday xadka."

Post a Comment

0 Comments