Maxaa dhici kara haddii duuliyeyaasha diyaaradda ay hurdaan ama miyir daboolmaan ?

Diyaarad

Waxaa horey Dunida uga dhacay dhacdooyin la xiriira duuliyeyaasha diyaaradaha qaar oo hurdday ama miyir daboolmay, arrintaas oo halis gelin karta nolosha dadka raakabka ah, Waxyaabaha ugu weyn ee loo aaneynayo dhibaatadan ayaa ah daalka iyo hurdada la'aanta ay la kulmaan qaar kamid ah duliyeyaasha caalamka.

Waxaana lagu qiyaasaa shilka ka dhasha khaladaadka banii'aadanka gaar ahaan haddii uu duulayo daalo isla markaana uu hurddo boqolkiiba 15 ilaa 20, Daalku wuxuu keenaa in howasha ay duuliyaha ay gaabis noqoto gaar ahaa feejignaanta iyo go'aan qaadashada daciif noqota. 

Sahan uu sameeyay ururka duuliyayaasha ee British Airline (Balpa) oo wareystay 500 oo duuliyeyaal ayaa lagu ogaaday in 43% ay si iskood ah ugu seexdeen qolka diyaarada laga wado, halka boqolkiiba 31% ka mid ah duuliyayaashaasi waxay sheegeen in markii ay tooseen duuliyaha kale uu isna hurday.

"Ma jirto wax Diyaarad ah oo burburtay taariikhda duulimaadka kadib markii uu duuliyaha diyaaradda ka seexday kontaroolka," ayuu yiri David Learmount, oo ah duuliyihii hore ahna tifaftiraha majaladda ka warranta badbaadada duulimaadka ee Flight Global, sida uu ku warramay wargeyska The Guardian.

Wuxuu intaa ku daray ,"Weligeed ma dhicin arrintaas". Daalka ayaa lagu sheegay mid ka mid ah sababaha keenay in shaqaalaha diyaaradda ay si degdeg ah uga jawaabi waayaan xawaaraha diyaaradda.

Sanadkii 2009-kii waxaa magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka ku dhacday Diyaarad, waxaana diyaaradda ku dhintay dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda, waxaana la ogaaday in duuliyeyaashii diyaaradda ay ku guuldareysteen inay ka jawaabaan digniinta markii ay diyaaradda si gaabis ah hawada ugu socotay.

Waxaana la sheegay in duuliyeyaashii diyaaradda iyo rakaabkaba ay safar dheer soo galeen oo aysan nasan,Shaley ayay aheyd markii labo duuliye ay seexdeen iyagoo lumiyay dhabbaha ay diyaaraddu ku cararto si ay duulimaadka si nabad ah ugu dajiyaan, Ilaalada hawada ayaa la xiriiray kadib markii ay kasoo dageen garonka diyaaradaha ee Addis ababa.

Shaqaalaha diyaaradaha Ethiopian airline ayaa ugu danbeyn qaylo ku kiciyay duuliye yaasha taasi oo sababtay in diyaaradda dajiyaan, Maantana waxaa soo baxaya warar sheegayo in shaqada laga joojiyay labadii duuliye ee u shaqeynayay shirkadda diyaradaaha ee Ethiopian Airlines.

Diyaaradda  Boeing 737, waxay qaadda 154 rakaab ah taasi oo wax kayar labo saacadood ku qaadata marka ay u safreyso dalalka deriska ah, Mararka qaar hurdo kama oo kali ah ma ahan waxyaabaha welwelka keena.

Waxaa jirtay diyaarado ku khasbanaatay si deg deg ah loo dejiyo kadib markii uu xanuun lasoo darsay duuliyaha diyaaradda, sanadkii 2019 diyaarad rakaab laga lahaa dalka Ruushka, laguna magacabo Aeroflot ayaa si degdeg ah u degtay kadib markii mid kamid ah duuliyeyaashii waday diyaaradda uu wadnaha istaagay.

Diyaaraddan oo xilliggaas ka ambabaxday magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, kuna sii jeeday magaalada Anapa ay si degdeg ah ugu degtay garoonka caalamiga ee Platov ee magaalada Rostov-on-Don.

Duuliyihii labaad ayaa la sheegay in uu la wareegay diyaaradda, wuxuuna markii dambe codsaday in diyaaradda ay si degdeg ah u degto, kadib markii uu khalkhalay.

Post a Comment

0 Comments