Ninka caanka ah ee sababay in duuliye diyaaradeed laga mamnuuco shaqada.

Ninka caanka ah ee sababay in duuliye diyaaradeed laga mamnuuco shaqada.

Duuliye diyaaradeed oo u dhashay dalka Masar ayaa laga mamnuucay inuu waligiis dambe diyaarad kaxeeyo ka dib markii uu jilaaga caanka ah ee lagu magacaabo Maxamed Ramadan u fasaxay inuu la galo qeybta duuliyeyaasha, xilli ay ku jireen duullimaad ku wajahnaa waddanka Sacuudi Carabiya.

Jilaagan sidoo kalena fannaanka ah ayaa baraha bulshada soo dhigay muuqaal muujinaya isagoo gacmaha ku haya qalabka laga wado diyaaradda, halka qof kalena uu leeyahay, "Hadda isaga ayaa diyaaradda wada".

Duuliyihii diyaaraddaas ayaa lagala noqday shatiga, kaasoo aan waligiis dambe dib loo siin doonin, halka kaaliyihii duuliyaha ee diyaaraddaas la socdayna lagu ganaaxay mamnuucis hal sano ah, Diyaaradda khaaska ahayd ee duullimaadkaas sameyneysay ayaan magaceeda wali la shaacinin. 

Wasaaradda duulista hawada ee dalka Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: "Kadib markii aan xaqiijinnay xadgudub ka dhan ah shuruucda duulista hawada ee Masar, waxaan tallaabo aan shatiga ugala noqonnay ka qaadnay duuliyaha qeyrul-mas'uulka ah ee howshiisa gabay, sida ay shaacisay warbaahinta Masraawi. Amniga dhinaca duulista ee Masar waa mid lama taabtaan ah, ayey hadalkeeda sii raacisay wasaaraddu.

Maxamed Ramadaan, oo in ka badan 8 malyan oo ruux ay ku taxan yihiin bartiisa Youtube-ka, ayaa muuqaalkaas soo galiyay bartiisa wuxuuna sidoo kale ku sii shaaciyay barihiisa Twitter-ka iyo Instagram-ka. Isagoo la hadlayay kaamirada muuqaalkaas lagu qaadayay ayuu yiri: "Waxaan kaxeynayaa diyaarad, waana markii ugu horreysay ee ay arrin noocan oo kale ah dhacdo".

Muuqaalka ayaa ku dhammaanaya isagoo intuu qeybta diyaaradda laga kaxeeyo galay, ka dib ag fariistay duuliyaha, markaasna gacmaha ku qabtay isteerinka laga kaxeeyo diyaaradda.

Qof aan magaciisa la shaacinin oo aysan kaamirada wajigiisa qabanin, balse codkiisa la maqlayay ayaa markaas yidhi: "Magaca Alle ayaan ku dhaartaye, Maxamed Ramadaan ayaa hadda ah qofka diyaaradda wada".

Sharciga duulista hawada ee dalka Masar ayaa mamnuucaya in qof rakaab ah uu qeybta duuliyeyaasha ee diyaaradda galo, xilli hawada lagu jiro ama matoorka diyaaradda uu daaran yahay.

Post a Comment

0 Comments