Hrithik Roshan iyo Saif Ali Khan oo guul ka raadinaya meel ay ku fashilmeen Aamir Khan iyo Akshay Kumar.

Hrithik Roshan and Saif Ali Khan

Filimka cusub ee Vikram Vedha ee ay jileen atoorreyaasha caanka ah ee Hrithik Roshan iyo Saif Ali Khan ayaa tiyaatarrada laga daawan doonaa 30-ka bisha September, Hordhaca filimkan ayaa soo baxay 24-kii bishan Agoosto, waxaana markaas kaddib Baraha bulshada ka billowday doodda filimka Vikram Vedha.

Filimka Vikram Vedha ayaa ah mid dib loo sameeyay oo asalkii ahaa filimada Tamil ee isla magacaas watay Filimkii hore ee Vikram Vedha ayaa la sii daayay 21-kii bishii Luulyo ee sanadkii 2017, Filimkan waxaa maamulay Pushkar iyo Gayatri oo ah nin iyo xaaskiisa. 

Pushkar-Gayatri ayaa si weyn looga mahad-celiyay filimkan, Sanadkaas waxaa filimka la guddoonsiiyay abaal-marinta South Filmfare Award iyo abaalmarinno kale oo badan, Dib-u-sameyntiisa hadda waxaa weli maareeyeyaal ka sii ahaan doona lammaanaha Pushkar iyo Gyatri, waxaana aad u sarreysa rajada taageerayaasha filimada ee ay filimkan ka qabaan.

Muxuu filimku muhiim ugu yahay shirkadda aflaamta ee Bollywoodka? Labadii sano ee ugu dambeysay xaaladda filimada ee Bollywood ma aysan wanaagsaneyn, Shirkadaha waxaa si weyn u saameysay xannibaadihii Covid-19, Laakiin, xitaa labo sano kaddib, shirkadda filimaantu kama aysan soo kaban dhabar-jabkan.

Weli waxaa la arkaa shaneemooyinka Bollywood oo ay kuraastoodu maran yihiin, waxayna taasi horseedday in dhakhligii shirkadda ay aad hoos ugu dhacday, Daawadeyaashu waxay sidoo kale ogaadeen halka ama waxyaabaha ay tahay inay ku bixiyaan lacagtooda.

Filimaanta fashilmay 2022 : Marka laga eego 20-kii filim ee ugu dambeeyay ee shirkadda ee 6-dii bil ee la soo dhaafay soo baxay 15 ka mid ah aad ayay u liiteen daawasho ahaan, Filimaanta fashilmay waxaa ka mid ah kuwo ay jileen atooreyaasha ugu caansan Bolywood-ka iyo Hindiya.

Waxaa ka mid ah labada filim ee uu soo jilay Ranveer Singh ee kala ah '83' iyo 'Jayeshbhai Jorda', labo uu soo jilay Akshay Kumar oo kala ah 'Samrat Prithviraj' iyo 'Bachchan Pandey' iyo filimka ay soo jishay Kangana Ranaut ee lagu magacaabo 'Dhakad', Iyadoo ay shirkadda Bollywood wajahayso dhammaan dhibaatooyinkaas, haddana filimka Vikram Vedha ayaa la sii dayn doonaa.

Bollywoodku wuxuu lacag ku helaa kaliya dib-u-sameeyaan filimada Blockbuster-ka ah ee koonfurta, Waxaa lagu eedeeyay in aysan keenin waxyaabo asal ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Khubarradu waxay qabaan in filimkan laga ogaan karo mustaqbalka Bollywood-ka.

Maxay tahay sababta ay filimada Bollywood dhowaanahan hoos ugu dhaceen? Sida laga soo xigtay qoraal uu daabacday Nikhil Inamdar oo ah weriye ka howlgala BBC-da qeybta ganacsiga, waxaa jira sababo badan, laakiin tan ugu muhiimsan ay tahay waxa nuxurka ah ee filimka ku jira.

"Waxaa jirtay waqti xitaa haddii nuxurka filimka aanu fiicneyn, ay xiddigaha waaweyn taageereyaashooda ku soo jiidan jireen hoolalka shineemooyinka, taas oo horseedi jirtay in filimada si fiican loo daawado, laakiin waqtigu marba marka ka dambeysa wuu isa soo beddelayay oo  dookha daawadeyaasha ayaa sidoo kale isbeddelay. 

Daawadeyaasha ayaa hadda eegaya waxa ku jira filimka oo fiiro gaar ah u yeelanaya." Sida ay khubarradu sheegeen, filimada Hindiga ee laga soo saaro istuudiyaha Mumbai ayaa waxaa ka maqan qaab-dhismeedka quruxda badan, heesaha soo jiidashada leh iyo dhaqdhaqaaqyada tartiib-tartiibka ah ee filimada koonfurta.

“Intii lagu jiray xilligii xanuunka Covid-19, dadku waxay ka heleen filimaan badan oo ah kuwa musalsalka ah ee koonfurta laga jilay.” 

Guul darradii Aamir Khan iyo Akshay Kumar : 11-kii bishan August waxaa soo baxay labo filim oo ay soo jileen xiddigaha bollywood-ka, Aamir Khan iyo Akshay Kumar, Balse daawadeysshu ma aysan soo dhawayn labada filim oo rajo aad u wayn laga qabay inay soo noolayn doonaan hoos u dhicii Bollywood-ka soo food saaray dhowrkii sano ee ugu dambeeyay.

Lal Singh Chadha is the official remake of actor Tom Hanks' Forrest Gump. In Rakshabandhan, Akshay Kumar has played the role of a brother who takes responsibility for four sisters.

Aamir Khan wuxuu ku fashilmay filimkiisa Laal Singh Chaddha halka Akshay Kumar loo daawan waayay filimkiisa Rakshabandhan. Guul darrada way ku timid dadka oo baraha bulshada ku dalbanayay in aan la daawan maadaama shirkadda Bollywood-ka lagu eedeeyay in ay muddooyinkii dmabe samaynaysay waxyaabo ka dhan ah Hindiya iyo dadka Hinduuga ah.

Saif Ali Khan iyo Hrithik Roshan ayaa hadda rajo laga qabaa in ay horseedaan dib usoo noolaashada Bollywood-ka, inkastoo aan la ogayn waxa ay kala kulmi doonaan shaleemooyinka.

Post a Comment

0 Comments