Ragga 35 jirka ku dhalaya oo war naxdin leh laga soo saarey.

Cilmi baadhis cusub

Ragga go'aansada inay noqdaan waalid, marka ay dadoodu gaarto 35 sano, ayaa waxay halis sare ugu jiraan inay dhalaan carruur dhicis ah, ama kuwo aan caafimaadkoodu dhameystirneyn.

Intaa waxaa dheer, sannad kasta, shahwada ninka ragga ah, hoos u dhac weyn ayaa ku yimaada tirada iyo tayada ahaanba, taasoo caqabad ku noqon karta isku dayga inuu la dhalo.

Warbixintan ayaa waxaa lagu dhisay dhowr baaritaan oo la sameeyay sanadihii ugu dambeeyay, oo ay ku jirto jaamacadda Stanford University School of Medicine ee Mareykanka.

Jaamacadda, ayaa baaritaan waxay ku sameysay 40 milyan oo qof oo dhalanaya, taasoo laga soo saarey xogtan.

Guud ahaan, halista soo wajihi karta haweenka, marka ay doonayaan iney noqdaan waalid, ayaa aad loogga dhex yaqaan bulshada dhexdeeda.

Haweenka, ayaa sidoo kale waxay ku baraarugsan yihiin dhibka weyn ee uurku leeyahay da'da 35 ama 40 sano ka dib.

Post a Comment

0 Comments