Ninkii aan qubeysan in ka badan nus qarni oo geeriyooday.

Amou Haji

Amou Haji waxa uu diiday in uu isticmaalo saabbuun iyo biyo in ka badan nus qarni, isaga oo ka baqay in uu ku xanuunsado, Iiraniyaankan oo ku noolaa gobolka koonfureed ee Fars, ayaa ka fogaaday isku dayo hore oo ay dadka tuulada ku doonayeen inay ku nadiifiyaan.

Laakiin, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah, Haji waxa uu ugu dambayntii u hoggaansamay cadaadiskii bulshada isaga oo maydhay dhowr bil ka hor.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee IRNA, waxa uu xanuunsaday waxyar kaddibna uu geeriyooday maalinnimadii Axaddii.

Wareysi hore, oo uu siiyay Tehraan Times 2014, Haji wuxuu daaha ka qaaday cunnada uu ugu jecel yahay inay ahayd hilibka doofaarka, iyo inuu ku noolaa inta u dhaxaysa god ku yaal dhulka hoostiisa iyo guri leben ah oo ay dhisteen dad deris ah oo ku yaal tuulada Dejgah.

Waxa uu u sheegay wargayska waqtigaas in doorashadiisa ku kelliftay arrintan ay tahay hoos-u-dhac nololeed oo aan caadi ahayn oo haleelay kolkii u yaraa.

Sanado aanu qubaysan waxa ay ka dhigeen maqaarka jidhkiisu in uu noqdo mid uu ku daboolmeen dhas iyo wasakh," ayay IRNA tidhi, halka cuntadiisu ay ka koobnayd hilib qudhun ah  iyo biyo aan nadiif ahayn oo uu ku cabbi jiray qasacyada saliidda oo duug ah.

Waxa kale oo uu aad u jeclaa sigaar cabista, isaga oo la sawiray marar kala duwan isaga oo sigaar cabbaya, Isku-daygii ahaa in loo maydho, ama la siiyo biyo nadiif ah oo uu cabbo, ayaa gaartay xaalad murugo ah, ayay tidhi wakaaladda wararka ee baahisay geeridiisa.

Si kastaba ha ahaatee, haysashada rikoorka qofka aan qubaysan wakhtigii ugu dheeraa ayaa ahayd dood taagnayd tan iyo sanadkii 2009. Waxaa jiray warar sheegaya in nin Hindi ah oo - xilligaas - aan maydhanin ama aan caday ilkahiisa marin muddo 35 sano ah, kaas oo aan la ogayn ilaa iyo hadda halka uu ku dambeeyay.

Post a Comment

0 Comments