Wadaadka ka hadlay sawirrada baraha bulshada ee ka careysiiyay dumar badan

Fatwo muran iyo dood badan dhalisay

Cusmaan Al-Khamiis oo ah daaci u dhashay dalka Kuwait ayaa soo saaray fatwo muran iyo dood badan dhalisay, waxaan dooddan si weyn uga dhex muuqday haween badan, dumar badan waxay bilaabeen olole ay ku muujinayaan caradooda iyo dareenka ka dhanka ah hadalka kasoo baxay Sheekha.

Wareysi toddobaadle ah oo Sheekh Cusmaan Al-Khamiis uu kusoo hor fariisto teleefishinka Al-Majlis wuxuu ku sheegay in "haweenka aysan sawirradooda soo dhigin karin baraha bulshada xitaa haddii timahoodu qariyaan" Wuxuu sheegay, "Dumarka uma bannaano in sawirradeeda ay soo dhigto Twitter-ka iyo Instagram-ka".

Fatwadii uu soo saaray Sheekha Khamiista waxa ay ka caraysiisay dumar badan, waxayna qoraallo ay arrintaas kaga soo horjeedaan ay soo dhigeen Twitter-ka iyaga oo ku daabacay sawiradooda baraha, waxay kasoo horjeesteen fatwada sheekha, waxay sheegayeen in "In dumarka aysan mamnuuc ka aheyn inay soo bandhigaan wajigooda".

Gabdhaha ee Twitter-ka adeegsanayay waxay sheegeen inay la yaaban yihiin waxa ka dhexeyn karo fatwada uu soo saaray Sheekha iyo haweenka tego Xaramka loo ogolaaday in wajigooda aysan daboolin.

Qaarkood waxay sheegeen in dumarka ay tegi karaan goobaha laga dukaameysto iyo goobaha mashquulka iyagoo aan daboolin wajigooda.

Dhanka kale, qaar kale waxay taageereen fatwada uu soo saaray Al-Khamiis, waxaana caddaatay inuu jaanjeero dhinaca fatwooyinkiisii ​​diiniga ahaa ee ugu dhawaaday mad-habta Wahaabiyada ee Salafiga ah, taasoo uu ka bartay culumada sida Sheekh Cabdul Casiis bin Cabdullaahi bin Baz iyo Sheekh Muxammad bin Saalax Al-Cutheymiin.

Qaar kamid ah taageerayaasha Sheekha ayaa dhaleeceeyay doorka baraha bulshada ay ku leeyihiin in laga soo horjeesto fatwada "Marka laga reebo arrinta dhawaan soo ifbaxday, dumar dhif ah ayaa sawirradooda soo dhigi jiray baraha bulshada".

Dadka qaar ee difaacayay Sheekha waxay aaminsan yihiin in "fatwada Sheekha ay sax tahay xitaa haddii dadka qaar aysan jecleysan sababtoo ah wuxuu farayay dadka wanaagga iyo in laga dheeraado xumaanta".

Halka qaar kamid ah dadkii taageerayay Sheekha ay sheegeen inay u arkaan Al-Khamiis nin aan wax ajando gaar ah ka laheyn fatwada balse uu kala kulmay dhaleeceyn ay wadaan dad isku sheegay inay dumark au doodayaan.

Sheikh of Al-Azhar, Sheikh Axmed Al-Tayeb wuxuu sheegay in "Haweeneyda Muslim ka ah ay u bannaan tahay inay banayso wajiga iyo gacmaha, sida ay qabaan afarta imaam". Sheekha Al-Azhar waxa uu ku nuuxnuuxsaday in "In waajib uu yahay in dumarka ay madaxa dabooshaan, ee aysan daboolin wejiga iyo gacmaha, niqaabkuna waajib kuma aha, gaar ahaan in dumarka ay xirtaan galoofyo".

Post a Comment

0 Comments