Qiso layaab leh oo dhex martay qoys muslim ah iyo qoys Hindu ah oo ay cadaawad ka dhaxeyso dadkooda

Qiso layaab leh

Qiyaastii hal sano iyo bar ka hor, askariga lagu magacaabo Cali, oo kasoo jeeda qoys Muslim ah wuxuu yimid isbitaalka Nutima ee Meerut si baaritaan loogu sameeyo, Markii uu isbataalka imanayay waxaa u dreemayay xanuun. Baaritaan ka dib waxaa la ogaaday in kelyihiisa ay cillad leeyihiin, xalka kali ahna uu yahay in kelli kale loo galiyo.

Walaalkiis Akbar Cali ayaa damcay inuu kellidiisa ugu deeqo balse kellidiisa iyo midda walaalkii isma aysan qaadan karin, Ankur Nehra, oo kasoo jeeda qoys Hindu ah oo deggan Modinagar iyo waalidiintiisu waxay iyagana dhankooda la kulmeen niyad jab iyo xaalad middaasi la mid ah.

Kelyaha Ankur ayaa shaqada gabay, isla markana hooyadiis oo killideeda ugu deeqi rabtay isma aysan yeelan oo laguma beeri karin, Laakiin qaddar iyo nasiibka ayaa isu keenay labada qoys.

Dhakhaatiirta ayaa u sheegay in Anita ay ugu deeqi karto kelyaha askariga lagu magacaabo Cali, oo ay is qaadan karaan caafimaad ahaan, halka Akbar kellidiisa loo bedeli karo oo lagu beeri karo Ankur.

Waxaa meesha isugu yimid laba qoys oo Muslim iyo Hinduu kala ah, balse isu baahan. Waxa ay isu sameynayaan waa in midba kan kale uu naftiisa badbaadiyo.

Dadka labada qoys ayaa sheegay in markii dadkii ka ag dhawaa ay ogaadeen in Hinduuska iyo Muslimiinta ay isugu deeqayaan kelyaha ay aad ula yaabeen.

Isagoo la hadlayay BBC-da ayuu Cali yiri, "Dadka tuulada ayaa la yaabay arrinteenna, iyagoo leh waxaad tahay Muslim isaguna waa Hinduu., Waxa uu sheegay in dad badan ay sidoo kale kula taliyeen in uusan ku deeqin kelyaha, balse uu ku adkaystay go’aankiisa. Waxa uu yiri, "Bani'aadannimada ayaa ku jirta in Hinduuga ay caawiyaan Muslimiinta, Muslimiintana ay Hinduuga caawiyaan."

Dhanka kale, su'aalo la mid ah ayaa la weydiiyay qoyska Nehra. Ankur Nehra wuxuu yiri, "Waxaa ka jira waddankeenna in Hinduuska iyo Muslimiinta ay kala duwan yihiin." Waxa uu sheegay in dadku ay la yaabeen sida ay labada qoys ugu heshiiyeen in ay tallaabadan oo kale qaadaan. "Xubnaheennu diin ma lahan, maxay ka og yihiin Hinduuska iyo Muslimiinta, annaga ayaa sidaa ka dhignay," ayuu yiri Ankur.

Hooyadii, Anita, ayaa sidoo kale sheegtay in aysan haba yaraatee ka welwelin in labada qoys ay haystaan diimo kala duwan. "Waxba igama galin in ay Muslimiin yihiin, annaguna aan nahay Hinduus," ayey ku doodday.

Waxay sheegtay in kala shakiga dhex yaalla Hinduuga iyo Muslimiinta uu yahay mid ujeeddo siyaasad uun laga leeyahay. "Kala saridda Muslimiinta iyo Hinduuga waa siyaasad ay ku dhaqmaan dadka lacagta badan haysta," ayey tiri.

Cali ayaa dhankiisa xitaa saraakiisha dowladda kala kulmay waxyaabo la yaab leh, Waxa uu sheegay in saraakiishu ay weydiiyeen in uu la kulmay qof dallaal ah oo kilida uga soo iibiya qoyska Hinduga.

Waxa uu yiri, "Waxaan u sheegay in aanu jirin wax dallaal ah oo naga dhexeeya oo aan ku kulannay isbitaalka." Dr Sanjeev Kumar Garg oo ka tirsan isbitaalka Nutima, oo ka qayb qaatay qalliinka askarigan lagu magacaabo Cali oo saacado qaatay, ayaa sheegay in dhakhtar ahaan, diinta bukaannada aanay waxba isaga ka qusayn.

Waxaa uu yiri , "Waannu garanaynay inay kala diin duwan yihiin, laakiin sidoo kale waxaannu ogayn inay oggolaadeen qalliinka, sababtoo ah waxaa hayay xanuun badan islamarkana kalyahooda la sifeyn jiray todobaadkii laba jeer.

Dr Garg ayaa sheegay in labada qoys ay haysteen dhibaatooyin caafimaad, gaar ahaan kala duwanaanshaha caadooyinka dhanka cuntada.

Waxa uu ka werwersanaa in kala duwanaashada dhanka cunadda ay wax saamayn ah ku yeelan doonto beeridda kelyaha, Ankur ayaa sheegay in kelyahaasi ay siiyeen nolol cusub. Qalliinka ka hor, waxa uu la kulmay dhibaatooyin badan.

Waxa uu yiri, "Sambabadayda waxaa ka buuxsamay biyo, ma seexan karin oo waqti aad u dheer ayaan soo jeedi jiray. Sidoo kale, Cali waxa uu la tacaali jiray dhibaatooyin badan ka hor qalliinka. Wiilkiisa Mohammad Anas ayaa sheegay in uu aad u tabardarnaa mararka qaarna ay xumad qaban jirtay.

Waxaa uu yiri, "Aabbe waxaa dhowr mar loo qaaday isbataalka isla markana mar ayuu koomo ku jiray maalmo." Waxaa qalliinka ka soo wareegtay imika muddo bil ah. Xaaladda Cali iyo Ankur ayaa sidii hore ka wanaagsan.

Ankur ayaa intii uu xanuunsanaa waxa uu qaatay shahaado dhanka sharciga ah isla markana waxa uu doonayaa in uu wax barasho dheeraad ah sameeyo. Waxa uu yiri, "Walaalkey ayaa jaranjarta iskuulka i saari jiray isaga oo dhabarka igu sida."

Ankur ayaa qiray in uu xiriir gaar ah la leeyahay qoyska Cali. "Waxaa jira dhiig naga dhaxeeya, waxa uu i siiyay xitaa isaga isma siin karo," ayuu yiri. Askariga Muslimka ah ee lagu magacaabo Cali ayaa yiri, "Waxaan doonayaa in jidkii Alle aan qaado oo aan dadka caawiyo."

Cali Akbar Akbar ayaa weli diyaar u ah in uu xubnaha jirkiisa ku caawiyo qof kale. "Haddii uu jiro qof u baahan xitaa waxaan siinayaa isheyda," ayuu yiri.

Markii uu magaalada Makhdumpur, ka sii tagayay wariyaha BBC ee warbixintan diyaariyay waxaa uu helay war sheegaya in wiil dhallinyaro ah oo kilyaha laga hayay uu dhintay.

Markii uu warkan maqlay wiilka uu dhalay Cali, oo lagu magacaabo Khalid waxaa uu yiri, "Allihii na baray qoyska Ankur ayaan ku mahadinaynaa."

Post a Comment

0 Comments