Rishi Sunak ma wuxuu ka taajirsan yahay boqorka UK?

Rishi Sunak iyo  boqorka UK

Waxaa aad loo qaadaa dhigayaa xaaladda dhaqaalaha ee ras’iisul wasaaraha cusub ee Britain ee ah qofkii ugu horreeyay ee ka soo jeeda Aasiya ee xilkan qabta, waa Rishi Sunak iyo qoyskiisa.

Xilli ra’iisul wasaaraha cusub uu wajahayo dhibaatada maciishadda ee UK, ayaa dadka qaar waxa ay su’aalgalnayaan sida ninkan qaniga ah uu maanka ugu hayn karo dadka caadiga ah marka uu gaarayo go’aannada adag ee dhaqaalaha.

Mr Sunak ayaa ku doodaya inuu yahay qofkii shaqadan qaban lahaa, isagoo ballanqaaday inuu dalka ku hagi doono si “daacadnimo iyo dulqaad leh”, waxaana uu carrabka ku adkeeyay inuu “si joogta ah uga shaqeyn doono sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka Britain”.

Dad badan ayaase iswaydiinaya inta ay la egtahay hantida uu haysto Mr Sunak. Haddaba maxaan ka naqaan hantida Mr Sunak iyo qoyskiisa, maxaase hantidaas ka galay xilka loo doortay?

Xilli Boqor Charles III uu dhaariyay ra’iisul wasaaraha cusub ee UK – ayaa dad badan oo ka tirsan dadka ku wada xiriira baraha bulshada waxa ay ra’yigooda ka dhiibanayaan hantida ay labada nin haystaan, Mr Sunak ma uusan xaqiijin hantida uu haysto inta ay la egtahay.

Hasayeeshee sida lagu shaaciyay liiska dadka qaniga ah ee uu daabacay wargeyska Sunday Times, bangiyahankan hore Mr Sunak iyo xaaskiisa reer Hindiya ee tiknolojiyadda ku xeelka dheer, Akshata Murty ayaa lagu qiyaasayaa inay leeyihiin hanti dhan $830 (£730m).

Inkastoo boqorka cusub uu dhaxlay hantidii hooyadiis, waxaa haddana lagama maarmaan ah in la xuso in inta aanay dhiman Boqorad Elizabeth II hantideeda lagu qiyaasay $420m (£370m) – sida lagu sheegay isla liiskaasi.

Xaaska Rishi Sunak, oo lagu magacaabo Akshata Murty, waa gabadha bilyaneer Hindi ah oo lagu magacaabo Narayana Murthy, kaasoo ka mid ah ganacsatada ugu caansan dalkaas oo xitaa lagu naaneyso Bill Gates-ka India.

Ms Murty oo aabbeheed la wadaagta hanti badan ayaa indhaha caalamka soo jiidatay horaantii sanadkan ka dib markii ay heshay mudnaanta ah ineysan ku khasbaneyn bixinta canshuuraha dhaqaalaha ay ka hesho meel ka baxsan UK.

Markii dambe ayey oggolaatay in ay dowladda UK siiso canshuurta dakhligeeda dibadda kasoo xarooda.

Inkastoo ay qoyskeeda aad u hanti badan yihiin, Ms Murty waxay nolosheeda kusoo billaabatay duruuf adag.Warqad uu aabeheed u diray, oo la daabacay sanadkii 2013-kii, ayuu uga sheekeeyay xasuusta ku saabsan in markii uu soo gaaray warka loogu sheegayay inay ku dhalatay Hubli, bishii April ee sanadkii 1980.

Waxa uu sheegay in warka dhalashada gabadhiisa uu u soo sheegay qof ay shaqo wadaag ahaayeen, maaddaama xilligaas aysan qoyskan awood dhaqaale u lahayn in ay isticmaalaan telefoon.

“Hooyadaa iyo aniga xilligaas waxaan ahayn dhallinyaro, waxaana la daalaa dhaceynay inaan cago fiican ku istaagno oo aan xirfaddeenna ku shaqeysanno,” ayuu ku qoray warqadda.

Mr Sunak ayaa 1980 waxa uu ku dhashay magaalada Southampton, waxaana dhalay waalidiin Hindi ah oo ka soo haajiray Bariga Afrika. Aabihii waxa uu ahaa dhakhtar guud, halka hooyadii ay laheyd farsami.

Kaddib markii uu wax ku soo bartay iskuul la seexdo oo gaar loo leeyahay, waa Winchester College, xilligaas oo waqtiga fasaxa uu cunto-geeye ka ahaa Southampton. 

Waxa uu Jaamacadda Oxford ka bartay siyaasadda, cilmu-nafsiga iyo dhaqaalaha, isagoo ku guulaystay darajada koobaad ee shahaadada jaamacadda ee heerka koobaad. 

Mar dambe ayuu Jaamacadda Stanford ee California ka qaaday shaahadada heerka labaad ee jaamacadda isagoo bartay maamulka ganacsiga, jaamacaddaasna waa barta uu kula kulmay xaaskiisa Ms Murty.

2001 illaa 2004, Mr Sunak ayaa falanqeeye u ahaa bangiga maalgashiga ee Goldman Sachs, markii dambana waxa uu bangigaas kala shaqeeyay laba mashruuc oo uu bangigu maalgeliyay.

2015, ayuu Mr Sunak ku biiray baarlamaanka UK markaas oo uu noqday xildhibaanka deegaanka Richmond ee North Yorkshire, waxaana uu wasiir aanan xoog badneyn ka soo noqday xukuumaddii ra’iisul wasaarihii hore Theresa May.

Boris Johnson, oo xilka kala wareegay May, ayaa markaas kaddib waxa uu ka dhigay xoghayaha guud ee maaliyadda, kahor inta aaan Febraayo 2020 loo dallacsiin inuu noqdo wasiirka maaliyadda.

Ra’iisul wasaare-nimada waxa uu Mr Sunak sannadkiiba ku qaadanayaa mushaar dhan $185,000 (£164,080).

Lacagaha ra’iisul wasaaraha la siiyo waxaa lagu saleeyaa laba qeybood oo kala gadisan, mid waa shaqada sare ee uu hayo halka tan kalana ay tahay middii kursiga xildhibaanka ee uu ku fadhiyo aqalka baarlamaanka.

Markii uu Mr Sunak ahaa xildhibaanka iyo wasiirka maaliyadda waxa uu dowladda ka qaadanayay mushaar dhan $171,640 (£151,649).

Ra’iisul wasaare-nimo waxa uu Mr Sunak sannadkiiba ku helayaa dhaqaale dheeraad ah oo dhan $130,160 (£115,000), si ay uga kaafiso kharashaadka la xiriira gudashada waajibaadka uu u hayo dadweynaha.

Taasi dadka caadiga ah waxa ay ugu muuqataa lacag badan hasayeeshee wax badan ma ahan markii loo barbardhigo hogaamiyayaasha kale ee caalamka, sida madaxweynaha Mareykanka, kaas oo sannadkiiba qaata mushaar dhan $400,000 (oo ah ku dhawaad £353,000).

Post a Comment

0 Comments