Macsalaameynta Boqoradda: 10 maalmood oo Britain aysan illaawi doonin.

Carruur daawaneysa TV-ga iyadoo lagu dhawaaqay in geeriyootay boqoradda Elizabeth

8-dii Sebtembar, dadka reer Britain waxay heleen war murugo leh oo sheegaya in Queen Elizabeth II ay si nabad ah ugu geeriyootay gurigeeda Scotland Highland, Balmoral. Waxay ahayd boqoraddii ugu xukunka dheerayd taariikhda Ingiriiska, Guud ahaan daafaha UK, dadku waxay siyaabo kala duwan u maamuuseen boqoradda dhimatay.

Boqolaal askari ayaa ka qayb qaatay dhoola tusyo dhowr ah oo ka dhacay Windsor iyo Westminster oo loogu talagalay aaska boqorada, Kumanaan kun oo qof oo baroor-diiqaya ayaa safaf ugu jiray si xushmad ugu muujiyaan naxashka Boqorada Elizabeth II, ee yaalay hoolka gobolka Westminster Hall, fiidnimadii Arbacada ee 14-kii Sebtembar.

Boqor Charles iyo Amiirka Wales ayaa si lama filaan ah ula kulmay dad saf ugu jiray si ay u muujiyaan xushmaddoodii ugu dambeysay ee boqoraddaDusha sare ee naxashka boqorada waxa dul saaran taajka Boqortooyada, laga yaabee inuu yahay shayga ugu caansan qasriga boqrtooyada

Taajka ayaa ah kan ugu dhalaal badan marka loo eego ku dhawaadka ​​3,000 oo dhagax - oo ay ku jiraan 2,868 oo dheeman ah. Waxa la sameeyay 1937-kii waxaana loogu talagalay caleemo-saarka boqoradda aabbaheed, King George VI

Naxashka boqorada ayaa la keenay Westminster Hall ka dib markii laga soo qaaday qasriga Buckingham. King Charles, wiilashiisa William iyo Harry, iyo xubno kale oo qoyska boqortooyada ka tirsan, ayaa gaariga daba socday.

Jimcihii 9-kii Sebtembar Charles III iyo Boqorada Consort waxay yimaadeen London iyagoo ka yimid Balmoral, waxayna soo galay Qasriga Buckingham Palace markii ugu horreysay tan iyo dhimashadii boqoradda Elizabeth.

Kumanaan qof ayaa goor sii horeysay isugu soo baxay waddooyinka Scotland si ay u muujiyaan xushmaddooda iyadoo naxashkii boqoradda geeriyootay la bilaabay in la geeyo koonfurta.

Tan iyo markii ay boqoraddu ku dhimatay Scotland badalkii London, dhimashadeedu waxay horseedday dhacdooyin loo yaqaan "Operation Unicorn". 

Waxay ku bilaabatay in Baarlamaanka Scotland la hakiyo si ay ugu diyaar garoobaan aaskeeda qaran, ka dibna meydka Boqorada ayaa laga soo qaaday qasriga Balmoral waxaana la geeyay Qasriga Holyroodhouse. 

Boqorka cusub iyo Boqorada Consort waxay sii joogeen Balmoral ka dib markii lagu dhawaaqay, ka hor intaysan u safrin London maalintii xigtay.

Post a Comment

0 Comments