Boqoradda iyo eydeeda : Sida ay eeyuhu u soo jiiteen qalbiga Boqorad Elizabeth.

Boqorad Elizabeth

Tan iyo markii ay Boqoradda geeriyootay, waxaa su'aalo badan la iska weydiiyay halka ay ku dambayn doonaan eeyihii qalbigeeda xaday ee tan iyo yaraanteedii la noolaa. Waxaa hadda la shaaciyay in eeyahaas oo ay aad u jeclayd lagu wareejiyay wiilkeeda Amiir Andrew iyo xaaskiisii hore.

Sanadkii 1959-kii oo ay Boqorad Elizabeth jirtay 32 sano, waxay sidoo kale ahayd hooyo labo carruur ah haysata iyo ey ay aad u jeclayd oo qalbigeeda soo jiitay.

Lixdankii sano ee xigay, Susan oo ah magacaga la siiyay eyga xaday qalbiga Boqorada ayaa waxaa ka farcamay in ka badan 30 kale, Qasriga Buckingham aad ayaa looga qaddariyaa wax kasta oo ku saabsan eyda Boqoradda, sababtoo ah waxaa loo arkaa "arrin aad u muhiim ah".

Marka laga soo tago kaamirooyinka dul heehaabayay meel walba oo ay Amiiradda tagto ama ay joogto, Amiirad Elizabeth iyo Susan waxay ahaayeen kuwo aan la kala saari karin tan iyo markii ay 7 sano jirtay.

Eyda ayaa Boqoraddu ku wehelin jiray - min qasri ilaa qasri. Sidoo kale waxa ay la raaci jireen helikobtarrada, tareennada, iyo gawaarida gaarka ah ee raaxada. Xilliyada munaasabadda Kirismiska ​​​​ee Sandringham mid walba wuxuu lahaa kayd u ​​gaar ah, oo ay buuxisay Boqoradda lafteeda.

Qasriga Buckingham waxa uu leeyahay 775 qol, laakiin eyda waxa ay seexanayeen gudaha guriga gaarka ah ee Boqoradda. Sida qoraaga boqortooyada Penny Junor ay ku qortay buuggeeda All The Queen's Corgis: "Waxaa jira qol eyda gaar u ah halkaas oo ay ku soo ururiyeen dambiillo ay ku daboolan yihiin barkimo.

Boqoradda ayaa maalin kasta qasriga ku lugaynsiin jirtay eyda, taas oo ahayd qayb ka mid ah howlaheeda joogtada ah, Markii uu sawir-qaade boqortooyada ah waydiiyay sida makaanikadu u shaqeeyaan marka loo eego farqiga dhererka u dhexeeya corgis iyo dachshunds, boqoradda ayaa ku jawaabtay: "Waa wax aad u fudud. Waxaan haysanaa leben yar."

Xaaladaha qaar, xitaa marka kuwii ay jeclaayeen ay dhinteen, Boqoraddu waxay sii wadday korsiga eyda. Sida laga soo xigtay Vanity Fair, markii ay Boqoraddu tagtay Clarence House si ay u aragto meydka mid ka mid ah eydeeda waxaa ka muuqatay murugo aad u weyn.

Tirada guud ayaa 1960-kii waxa ay gaartay ku dhawaad ​​9,000 oo ey sida la diiwaangaliyay, iyadoo dadweynuhu ay ku diirsadeen sawirrada Boqoradda iyo qoyskeeda da'da yar iyo eyda. Laakiin laga soo billaabo dabayaaqadii 1990-kii waxa hoos-u-dhac uu ku yimid tiradooda guud.

Qaar ka tirsan eyda Boqoradda ayaa ka soo muuqday filimka Bridgerton ee sida weyn looga daawaday shirkadda baahisa filimada ee Netflex.

Sidoo kale, baraha bulshada gaar ahaan barta TikTok ayaa marar badan lagu soo bandhigay sida uu sheegay Chris Equale, oo ah milkiilaha barta Hammy iyo Olivia.

Chris, oo 34 jir ah, ayaa si lama-filaan ah baraha bulshada ugu baahiyay muuqaalka eyga Olivia oo qaylinaya bishii Abriil 2020-kii. "Muuqaalkaas ayaa wax ka yar 20 daqiiqo waxa lagu daawaday 50,000 oo jeer,"

Muddo labo sano ah waxaa bartiisa ku soo biirtay 7 milyan oo qof, waxa uuna eyda ka sameeyay ku dhawaad 700 oo muuqaallo ah.

Mar la weydiiyay waxa dadka soo jiidanaya, wuxuu ku jawaabay: "Waxaa jira wax u gaar ah oo ku saabsan eyda - lagu xanaaneeyo. Waa xoolaha ugu wanaagsan ee la dhaqdo! Laakiin, marka hore ee aad aragto waxa aad isdhahaysaa ma ey-baa, ma rooti baa?, waxaa jira wax la jecel yahay oo xoolahan ku saabsan."

Post a Comment

0 Comments