Walaalihii kala irdhoobay oo ay geerida Boqoradda mideysay.

Qoyska boqortooyada oo ku sugan bannaanka Balmoral

Warbaahintu waxay ka fikirayeen iney baahintooda cinwaan uga dhigaan 'Walaalo gacmaha ishaysta' ama 'walaalo ay geeri mideysay'. Sawirrada Amiir William iyo Amiir Harry oo malmaha soo socda siyaabo kala duwan dadka ula kulmaya oo la arko waxay noqon doonaan kuwa lama filaan ah.

Iyaga oo ay wehliyaan xaasaskooda Catherine iyo Meghan, waxay salaameen dad ku sugnaa afaafka hore ee qasriga Windsor taasoo aan la saadaalin karin toddobaad ka hor, markii harry iyo xaaskiisa ay dib ugu laabteen UK.

Lamaanayaashaasi ayaan ku dhawaad laba sano meel fagaara ah isku arkin, Arrimahaasi oo dhan Khamiistii ayey isbeddeleen. William iyo Harry inkasta oo qorshaha uusan ugu jirin iney kulmaan haddana waxaa kulankooda qasab ka dhigay arrin si lama filaan ah u dhacday.

Markii ay xaaladda Boqoradda ka sii dartay, oo ay labadooduba taleefannadooda ka sugayaan wixii soo kordha, labada walaalaha ah waxay safar degdeg ah ku aadeeen Balmoral halkaasoo ay ku sugneyd boqoradda.

William, Catherine, Harry iyo Meghan waxaa dib u mideeyey geerida Boqoradda ku timid.

Dareenka Amiirrada ay ku abuurtay geerida Boqoradda ayaa ah mid aad u sarreysa. Waxaana la filayaa murankii u dhaxeeyey labada Amiir iney tacsida Boqortooyada u taallo soo afjarto.

Geerida Boqorad Elizabeth II ayaa sababtay iney qoyska reer boqor oo dhan dib u midoobaan gaar ahaan Amiir William iyo Amiir Harry iyaga oo dhinac isaga dhigay khilaafkii dhexdooda ahaa. Waana xilligi ku habboonaa oo ay gacmaha isqabsan lahaayeen.

Geerida Boqoradda ku timidna labada Amiir ee walaalaha ah waxay u noqon doontaa mid adag. Maxaa yeelay waxay horay u soo wajaheen iyaga oo aad u da' yar iney hooyadood Diana ay geeriyootay.

Sawirrada iyo muuqaallada ay ku wada jiraan William iyo Caterine, Harry iyo Meghan waxaa si aad ah u soo dhaweeyey shacab badan oo muddo dheer sugayey iney arkaan qoyska boqortooyada oo mideysan inkasta oo midnimadooda ay hadda ku timid geerida boqoradda oo aan la ogeyn waxa ay ku dambeyneyso.

Wakhti yarba ha ahaatee waxaa soo laabtay sumcaddii iyo heybaddii qoyska reer Boqor ay lahaayeen, taasoo noqotay mid waafqsan dareenka shacbaka Britain ee wakhti xaadirkan.

Sida ay tibaaxayaan xogo laga helayo Boqortooyada, Amiir William ayaa casuumaad u fidiyey Amiir Harry iyo Meghan si ay u wadagalaan sawirro muujinaya iney dib u midoobeen.

Xitaa haddii ay tahay daqiiqado ay midnimo muujiyeen, haddana waxaa weli sii muuqanaya kala duwanaashaha weyn ee labada dhinac ku kala dhex jira.

Geerida Boqoradda kaddib William ayaa noqday dhaxl-sugaha Boqortooyada Britain, William ayaa si dhaw ula socon doono arrimo badan. Muhiimad ka duwan walaalkii ayuuna yeelan doonaa.

Amiir William wakhti xaadirkan waa Amiirka Wales, waxaana maalintii shalay ahayd meesha ka baxay magacii aabbahood ay ugu yeeri jireen maadaamaa uu Boqor Charles III maalintii shalay ahayd si rasmi ah boqornimadiisa loo shaaciyey.

Amiir William xilliga Boqor Charles la dhaarinayey dhinaciisa ayuu taagnaa.

Amiir Harry wuxuu ku socdaa waddo aad uga duwan tii uu William soo maray, isagoo California kula nool Meghan iyo qoyskiisa da'da yar, isaga oo ku howlan howlo isugu jira warbaahin iyo samafal.

Hase yeeshee, Amiirradu si kasta oo ay howlmaameedkooda ugu kala duwan yihiin haddana, weli waxay ka wada tirsan yihiin Qoyska Boqortooyada.

Si aad ah ayey bulshada dareenkooda ugu kasbadeen kulammadii maalmahan dhexmareyey, inaksta oo warbihntu ay in mudda ah dulhoganayeen arrimahooda gaarka ah oo ay warbixinnadooda diiradda ku saarayeen.

Post a Comment

0 Comments