Mar Amitabh Bachchan "11 daqiiqo loo maleynayay meyd" kaddibna ay dhacday arrin taariikhda gashay

Amitabh Bachchan

Xiddigga caanka ah ee Bollywood-ka iyo Hindiya, Amitabh Bachchan, ayaa isku diyaarinaya inuu maalmaha soo socda u dabbaaldego sanad-guurada 80-aad ee dhalashadiisa, balse maxaad ka ogtahay sheekada ku saabsan markii hadda ka hor loo maleeyay inuu geeriyooday?

Jilaagan ruug-caddaaga ah waxay Soomaalidu u taqaan magaca ay iskood ugu bixiyeen ee "Cali Dheere", qof kasta oo filimada daawadana wuu garanayaa, Sanadkii 1982-kii oo hadda laga joogo 40 sano, ayuu Amitabh la kulmay shil halis weyn geliyay noloshiisa xilli uu jilayay filimkiisa caan baxay ee Coolie.

Dadka ay da'doodu ka sarreyso 40-ka sano waxay u badan tahay in ay ka war qabaan qisada shilkaas oo markaas si weyn u qabsatay hadal-heynta caalamka, Laakiin waxaa laga yaabaa in qof kasta uusan ogeyn xogta hoose ee ku saabsan xaaladdii Amitabh uu galay markii uu ku jiray isbitaalka, sida mucsijada ahna uu uga badbaaday geerida.

Ma jirin baraha bulshada ee maanta loogu tiirsan yahay wararka, sidoo kalena lama aasaasin qaar badan oo ka mid ah telefishinnada, laakiin sidaasoo ay tahay wararka iska soo dabadhacayay ee ku saabsanaa xaaladda caafimaad ee jilaagan waxay durbadiiba gaarayeen dunida oo dhan

Shilka kaddib, xaaladda caafimaad ee Amitabh waxay ka baxday faraha, fursadda badbaadada ee uu heystayna aad bey u yareyd, Dhakhaatiirtii ugu waaweyneyd ee waddanka ayaa gacmaha ka taagtay.

Sidee ayey wax u dhaceen?
Bishii July ee sanadkii 1982 ayaa shaqada duubista filimka Amitabh Bachchan ee 'Coolie' laga billaabay magaalada Banglore, Sababta ugu weyn ee halkaas loo tagay waxa ay ahayd in muuqaalka lagu daro xarunta tareennada laga raaco.

Aad bay u adkaan jirtay in fasax loo helo duubista boosteejada tareennada ee Mumbai, sidaas awgeedna, agaasimihii filimka, Manmohan Desai iyo kooxdiisa waxay aadeen Banglore, Bishii July ee sanadkii 1982 ayaa shaqada duubista filimka Amitabh Bachchan ee 'Coolie' laga billaabay magaalada Banglore.

Sababta ugu weyn ee halkaas loo tagay waxa ay ahayd in muuqaalka lagu daro xarunta tareennada laga raaco, Aad bay u adkaan jirtay in fasax loo helo duubista boosteejada tareennada ee Mumbai, sidaas awgeedna, agaasimihii filimka, Manmohan Desai iyo kooxdiisa waxay aadeen Banglore.

Amitabh Bachchan waxa uu soo kaxeystay xaaskiisa Jaya iyo labo carruur ah oo ay isu dhaleen - Abhishek iyo Shweta – waxayna tageen hotel ku yaalla dhinaca galbeed ee magaalada.

Sidii caadiga ahayd, maalintii ay taariikhdu ku beegneyd 26-kii July, 1982, Amitabh waxa uu usoo baxay jilista iyo duubista filimka. Waxa ay maalintaas noqotay mid isbaddal weyn ku sameysay taariikh nololeedkiisa, Qorshuhu waxa uu ahaa in maalintaas muuqaallo ka mid ah filimka lagu duubo kulliyadda Gyan Bharati ee Jaamacadda Banglore.

Waxaa la diyaariyay dagaal dhex mari lahaa atooraha iyo ladaarka filimka. Waxa uu qorshuhu ahaa in laadarka uu feer caloosha uga dhufto Amitabh, Markii diyaarinta la sameynayay si fiican ayey ugu guuleysteen. Balse markii kaamirada laga duubayay, arrintu way isbaddashay.

Punit, oo ahaa laadarka waxa uu feer caloosha uga dhuftay Amitabh, islamarkiina Amitabh waxa u uku dhacay dhulka. Duubistii qeybtaas waa la dhammeystiray balse feerkii ku dhacay Amitabh waxa uu u sababay xanuun aad u badan, Si dhaqso ah looma fahmin in Amitabh uu gaaray dhaawac halis ah.

Mar uu ka sheekeynayay xaaladdaas ayuu Amitabh yiri: "Islamarkii aan gaaray hoteelka, waxaan ku dul dhacay sariirta. Cabsi iguma jirin. Jaya ayaa ka codsaday in ay u yeerto dhakhtarkeyga khaaska ah oo ku sugnaa Mumbai iyo in ay carruurta u dirto guriga." Dhakhaatiir kale oo loogu yeeray dawooyinkii ay siiyeen way ka joojin waayeen xanuunka.

Markii uu yimid dhakhtarkiisa gaar ah, raajana ka qaaday waxaa la go’aansaday in la dhigo isbitaalka St. Philomena ee magaalada Banglore. Marka ay xaaladdu halkaas mareysay waxaa dunida oo dhan ku faafay warka ku saabsan in xaaladda caafimaad ee Amitabh ay xun tahay.

Way sii xumaatay xaaladdiisa, miyir ma uusan lahayn, waxaana laga baqayay in uu koomo galo, Qalliinkii ugu horreeyay markii lagu sameeyay waxaa la ogaaday in mindhirika uu dillaacay aashitadii oo dhanna uu kusii daayay caloosha, haddii uu sidaas kusii socdana uu gaarsiin doono xubnaha kale ee uur ku jirta.

Markii dambe waxaa suurtagashay in loo duuliyo magaalada Mumbai, maadaama isbitaalka Banglore uusan lahayn qalab casri ah. Waxaa la dhigay isbitaalka Breach Candy, halkaas oo uu xaalad adag ku maray, Jirkiisa dhiig badan ayuu lumiyay, taasoo keentay in lagu shubo ku dhawaad 60 unit oo dhiig ah.

11 daqiiqo oo meyd ahaan looga tagay
Maalintii ay taariikhdu ahayd 2-dii bishii August, 1982, Amitabh Bachchan waxa uu “caafimaad ahaan meyd ahaa” muddo 11 daqiiqo ah, Dadaalladii ay dhakhaatiirtu sameeyeen oo dhan, ma noqon kuwo guuleystay.

Ugu dambeyn, 2-dii August, garaaca wadnaha Amitabh waxa uu noqday “0”. Dhakhaatiirtu markii ay sidaas arkeen way ka quusteen, wax rajo ahna kama aysan qabin in uu sii noolaan karo.

Xaaskiisa Jaya ayuu dhakhtarku u yeeray si ay u aragto markii ugu dambeysay. Qorshuhu waxa uu ahaa in daqiiqado kaddib lagu dhawaaqo geeridiisa. Balse isku daygii ugu dambeeyay ayuu Dr. Udwadia daawo ka badan xadkii loogu talogalay ku siiyay Amitabh.

Xoogaa yar kaddib, xaaskiisa Jaya ayaa aragtay suulkiisa oo dhaqdhaqaaqaya. Islamrkiiba waxay u qeylisay dhakhaatiirtii, waxaana dib loo billaabay shaqadii.

Neefsashadiisii ayaa dib u billaabatay, indhahana wuu kala furay, Sidaas awgeed, Hindiya maalintaas waxaa looga yaqaannaa dib u dhalashadii Amitabh.

Inkastoo Amitabh uu furay indhaha, dhaawiciisu weli dhiig ayaa ka baxayay. Dadaal badan iyo daaweyn aan loo kala harin kaddib ayuu kasoo caafimaaday dhaawicii taariikhiga noqday. Muddo 40 sano ah ayaa kasoo wareegtay dhacdadaas, Talaadada, oo ah 11-ka Bishan October waxa uu xusayaa sanadkii siddeetanaad ee kasoo wareegay dhalashiisa.  

Post a Comment

0 Comments