Atariishooyinka Bollywood-ka ‘oo ku tartamaya biyo loogu ekaado qof da’ yar’

Atariisooyin caanka ah Bollywood

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa aad loo hadal-hayay arrin ku saabsan jileyaasha dumarka ah ee Hindiya oo la sheegay in ay cabaan biyo uu midabkoodu yahay madow.

Atariishada caanka ah ee Bollywood-ka, Kajal Aggarwal, ayaa dhowaan la arkay iyadoo gacanta ku heysata caag ay ku jiraan “biyo madow” xilli ay ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee magaalada Mumbai.

Weriyeyaasha ayaa waydiiyay waxa khaaska ah ee ay leeyihiin biyahaas.

Way dhoollacaddeysay Kajal, waxa ayna ku jawaabtay “Kuwani xitaa waa biyo la cabo, hal mar isku day inaad cabtid. Waad ka heli doontaa adiga xitaa.” Markii la waydiiyay muddada ay isticmaaleysay “biyaha madow” waxa ay ku jawaabtay “muddo dheer”.

Dhowr maalmood ka hor, atariishada kale ee lagu magacaabo Shruti Haasan ayaa sidoo kale baraha bulshada ku shaacisay in ay cabto biyaha madow, Waxa ay iska soo duubtay muuqaal lagu arkayay iyadoo heysata galaas ay ku jiraan biyahaas.

Shruti ayaa inta uu muuqaalka socday tiri: “Markii ugu horreysay ee aan maqlay biyaha madow, waxay ila ahaayeen wax igu cusub. Run ahaantii, ma aha biyo madow, balse waa biyaha alkaline. Dhadhankoodu waa sida kan biyaha caadiga ah.”

Horay waxa ay warbaahintu u tebisay in atariishooyin ay ku jiraan Malaika Arora, Urvashi Ratila iyo kuwo kale oo badan ay isticmaalayeen biyaha madow, Biyaha madow waxaa sidoo kale loo yaqaannaa “alkaline" ama “alkaline ionized”.

Sida ay sheegtay Majalladda EBCAM, waxa ay faa’iido u leeyihiin jirka  markii la sameeyo jimicsiga jirka ama uu qofku dhidid badan ka baxo. Waxay kordhiyaan qoyaanka gudaha jirka iyo tamarta unugyada.

Warbixin ay soo saartay isla Majalladdan ayaa lagu sheegay in tijaabo sheybaar oo la sameeyay ay muujisay in biyaha madow ay gacan ka geystaan in hal meel lagu xaddido miisaanka jirka, Isticmaalkeeda biyahan waxa uu sidoo kale gacan ka geystaa fududeynta dheef shiidka caloosha.

Dhanka kale, shirkadaha xayeysiimaha qaar ayaa sheegay in biyaha “alkaline” oo heerka aashitadooda uu ka sarreeyo 7 ay yareeyaan calaamadaha muujiya gabowga.

Hase yeeshee, cilmi-baareyaasha lagu xigtay warbixinta Majalladda EBCAM ayaa sheegay in aysan jirin caddeymo dhinaca seyniska ah oo muujinaya arrinta ku saabsan in ay biyaha madow yareeyaan muuqaalka da’da.

Shirkadaha xayeysiiya biyaha madow waxa ay sheegeen in ay ku daraan in ka badan 70 macdan oo kala duwan.

Biyaha Madow waxa ay ka kooban yihiin macdano ay ka mid yihiin “magnesium” iyo “calcium” oo u fiican lafaha.

Jirka bani’aadanka 70% waxa uu ka kooban yahay biyo. Sidaas darteed, waa lagama maarmaan in la cabo biyo badan si ay u gaaraan dhammaan qeybaha jirka, una sahlanaato in xubnaha oo dhan ay si fiican u shaqeeyaan, Biyuhu waxa ay sidoo kale jirka ka saaraan wasakhda uusan u baahneyn.

Dhanka kalena, waxa ay isu dheellitiraan heer-kulka jirka, waxa ayna kaalin weyn ka qaataan helista macdanta aan u baahan nahay iyo cusbada. Waxaa intaas sii dheer in biyuhu ay wax badan ka taraan shaqada dheef shiidka iyo dhaqdhaqaaqa caloosha.

Post a Comment

0 Comments