Ragga Hindiya oo la dareensiinayo xanuunka caadada dumarka.

Goobta tababarka laga wado.

Dhiigga caadada dumarka iyo dhibaatooyinka la socda  ayaa mowduuc aan laga hadli karin ka ah qeybo badan oo dalka Hindiya ah. Olole ka dhacay gobolka koonfurta dalkaas ku ku yaalla ee Kerala ayay ujeeddadiisu tahay in arrintaas wax laga beddelo.

Ololeeyeyaal ayaa wacyigalinta arrimahaas ku saabsan ka sameynaya goobaha laga dukaameysto iyo jaamacadaha ku yaalla degmada Ernakulam si ay ragga u dareensiiyaan xanuunka caadada, si ay caadi uga dhigaan in laga hadli karo mowduucaas.

Muuqaal laga duubay ololahan ayaa muujiyay ragga oo la taahaya xanuun iyadoo ay haweenku daawanayaan oo ay la yaabban yihiin.

“Runtii waa xaalad aad u xanuun badan. Weligey ma doonayo in aan mar kale la kulmo arrintan,” ayuu yiri Sharan Nair oo ah nin saameyn ku leh baraha bulshada oo tijaabada lagu sameeyay isagoo ku sugan meel laga dukaameysto.

Tababarkan wacyigelinta ah ayaa qeyb ah mashruuc lagu magacaabay ‘Koobkii nolosha’ oo ujeeddadiisu ay tahay in si lacag-la’aan ah loo qeybiyo koobabka caadada, meeshana laga saaro waxyaabaha quraafaadka ah ee laga fidiyo caadada haweenka.

Mashruucan waxaa ku dhaqaaqay nin xildhibaan gobol ah oo la yiraahdo Hibi Eden oo xubin ka ah xisbiga Congress, waxaana howsha ku wehelisa hay’adda Isu-tagga caafimaadka, taas oo matasha dhaqaatiirta, Caafimaadka haweenka gaar ahaan arrimaha la xiriira caadada dumarka ayaa ah arrin si hoose looga hadlo dalka Hindiya.

Meelo badan haweenka weli waxaa loo aqoonsan yahay kuwo aan nadiif ahayn marka ay caadada ku dhacdo, waxaana laga fogeeyaa munaasabadaha bulshada iyo kuwa diinta. Waxaa sidoo kale laga ilaaliyaa kushiinka wax lagu karsado. Laakiin, arrintan la aaminsan yahay hadda way ku sii yaraanaysaa magaalooyinka.

Haweeenka intooda badan kuma qanacsana in ay ka hadlaan xilliga caadada ama xanuunka ay la kulmaan oo ay la socodsiiyaan dadka ay u shaqeeyaan ama xubnaha qoyska ee ragga ah, iyadoo ay jirto in shirkado caalamka ah iyo kuwo Hindiya ka jira ay billaabeen fasax ay dumarka siiyaan xilliga caadada.

Dadka wada ololaha ayaa ku rajo weyn in ay keeni karaan isbeddel, gaar ahaan gobolka Kerala oo loo aqoonsan yahay gobolka ugu horumarsan Hindiya.

Qareen Sandara Sunny oo soo qaabeysay munaasabadda ‘’Xanuunka Dareen’’ loo bixiyay ayaa sheegtay in wacyigalintan ay tahay sida kaliya ee loo dhiirragalin karo in si macno leh looga dodo, loona beddlo hab-dhaqankas.

“Haddii aad weydiiso wiilasha jaamacadaha si toos ah waxa ay ka yaqaanaan xanuunka caadada kama hadlayaan, laakiin haddii aad weydiiso in ay qof kale mar uun kala hadleen, maxaa ka dhigaya in ay ka xishoodaan arrintaas, hadda markii wacyigelinta la sameeyay way ka hadlayaan,” ayay tiri.

Post a Comment

0 Comments