Kumuu ahaa fannaanka geeridiisa laga dareemay Somaliya iyo Itoobiya labadaba?

Cali Birra

Dalka Itoobiya waxaa looga baroor diiqayaa fannaankii rug caddaaga ahaa ee la oran jiray Cali Birra, oo shalay ku geeriyooday magaalada Addis Ababa. Balse dadka tebi doona waxaa sidoo kale ka mid ah taageerayaashiisa Soomaaliya ee ka daba dhacay heesihiisa Afsoomaaliga ahaa.

Raysul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Cali Birra ku tilmaamay halyeey aqoonsaday in fanku "uusan lahayn wax dadka kala qeybiya sida qabiil, luuqad, faqri ama hanti toona".

Cali Birra oo Axaddii geeriyooday isagoo75jir ah waxa uu caan ku ahaa inuu ku heesi jiray luuqado badan oo ay ka mid yihiin; Amharic, Oromo, Soomaali, Canfar, Carabi, Ingiriis iyo Swedish.

Taariikhdu markii ay ahayd 26-kii bishii May ee sanadkii 1948-kii ayu uku dhashay magaalada Diri Dhaba. Hooyadiis waxaa lagu magacaabi jiray Faxuma Cali, halka aabihiisna uu ahaa Maxamuud Muusa.

Yaraantiisii magaca uu kusoo koray waxa uu ahaa Cali Maxamuud Musa, balse markii uu soo weynaaday ayuu kusoo caan baxay Cali Birra.

Wareysi uu BBC-da siiyay sanadkii 2019 ayuu uga hadlay waxbarashadiisa, isagoo sheegay in uu weligiis ahaan doono arday.

“Mar walba waxaan ahaan doonaa arday. Kaligey ma aha, balse in ka badan 7 bilyan oo dunida ku nool ayaa ah arday. Aniguna ardaydaas ayaan ka mid ahay. Shalay wax baan bartay, maanta wax baan bartay, berrina wax baan baran doonaa,” ayuu yiri.

Markii uu 11 jir ahaa ayuu Cali Birra ogaaday in uu hooyo leeyahay, maadaama ay waalidkiisa kala tageen isagoo aad u yar.

Markii uu soo korayay ma uusan fursad u helin in uu la noolaado aabihiis iyo hooyadiis oo wadajir ah, mana uusan arkin hooyadiis.

Ka dib markii ay is fureen waalidiintiisa, aabihiis ma uusan guursan xaas kale, waxa uuna qaatay mas’uuliyadda korinta wiilkiisa. Waxa uu arrintaas ku micneeyay in uusan halkiisa wiil ee keliya u oggolaaneyn in “la jirdio”.

Mar walba oo uu arko carruurta saaxiibbadiis ah oo waalidiintooda la socda, waxa uu isweydiin jiray “sababta uusan isagu u arkin labadiisa waalid”, sida ay taariikhdiisa ku xuseen warbaahinta Itoobiya.

Isagoo aad u da’ yar ayuu Cali lasoo baxay xirfad faneed oo cajiib ah, waxa uuna go’aansaday in uu luuqado badan ku heeso.

Abaalmarinno badan ayu uku guuleystay intii uu fanka ku dhex jiray, kuwaasoo ay ka mid ahayd in lagu sharfay billadda fannaanka Afrika.

Cali Birra waxaa lagu tilmaami jiray in uu ahaa aabaha muusiga casriga ah, waxa uuna soo bartay culuumta muusikada oo uu in muddo ah daraaseynayay.

Qarnigii 20-aad gudihiisa ayuu Jaamacadda Santa Monica ee gobolka California ee dalka Mareykanka kusoo qaatay shaadada muusikada, Inuu heesi jiray ka sokoow waxa uu sidoo kale garaaci jiray muusikada.

Inkastoo uu kasoo jeeday qowmiyadda Oromo ee dalka Itoobiya, waxa uu ahaa qof xirfaddiisa faneed ku qanciya guud ahaan bulshooyinka gobolka oo ay ku jiraan Soomaalida iyo meelo ka mid ah caalamka.

Heesihiisa Af Soomaaliga ee sida weyn loo jecel yahay waxaa ka mid ah mid loo yaqaanno “Naf Jacayl Haleelay”, erayadeedana waxaa ka mid ah: Mar kastaba jacayl baa,I hoggaaminaayee, Waxa aad u haabato, Ma hubtaa ma helayaa

Post a Comment

0 Comments