Salima Mukansanga oo Taariikh lama ilaawaan ah ka sameeneysa Koobka Adduunka ee socda

Salima Radia Mukansanga

Gabar garsoore ah oo u dhalatay dalka Rwanda ayaa taariikh lama ilaawaan ah kuna faanayaan qaarada Afrika ka sameeneysa koobka qdduunka ee sida xamaasada leh xilligan uga socda dalka Qatar.

Salima Radia Mukansanga, ayaa lagu soo daray garsoorayaasha dhax dhaxaadinaya ciyaaraha koobka adduunka ee Qatar ka socda, waxa ayna noqonaysaa gabadhii ugu horreysay ee Afrikaan ah ee dhex dhexaadisa ciyaaraha Koobka Adduunka.

Gabadhan oo iyada oo da’yar bilowday in ay noqoto garsoore kubadda cagta ayaa heer sare ka gaartay, waxa ayna muddo ka badan afar sanno aheyd garsoore ka dhax dhaxaadisa horyaalka heeka koobaad ee dalka Rwanda .

Mukansanga ayaa dhexdhexaadisay tartankii koobka qaramada Afrika ee 2022 ee lagu qabtay dalka Cameroon, halkaas oo ay soo bandhigtay qaab garsoore wanaagsan, waxaana ka mid ahaa ciyaartii u dhaxaysay Guinea iyo Zimbabwe, kaas oo ahaa mid ay qaarada oo dhan ay ku baratay Mukansanga.

“Waxaan aaminsanahay in wax qabadkeeda AFCON uu yahay meeshii ugu horeysay ee FIFA ay ku ogaatay taas oo keentay inay hesho fursad ay ku dhexdhexaadiso ciyaaraha Koobka Adduunka ee Qatar. 

Mukansanga si kadis ah kuma jirto koobka aduunka sidoo kale ma joogto sababtoo ah waa haween, waxay u joogtaa sababtoo ah waxay ku fiican tahay waxa ay sameyso.” ayuu yiri Nsabiman oo ah wariye ka faalooda ciyaaraha.

Gabadhan garsooraha ka noqon doonta koobka adduunka ee ka socda dalka Qatar ayaa magac weyn sameyn doonta, waxaana kulanka ay dhax dhaxaadin doono garsoorayaal kale oo u dhashay waddamo kala duwan.

Post a Comment

0 Comments