Sheekada nin ku noolaan jirey garoonka diyaaradaha ee Paris oo dhawaan dhintay

Mehran Karimi Nasseri

Nin u dhashay dalka Iran oo 18 sano ku noolaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Paris ayaa la soo sheegayaa in uu geeriyooday.

Mehran Karimi Nasseri wuxuu gurigiisa ka dhigay aag yar oo ka mid ah garoonka diyaaradaha ee Roissy Charles de Gaulle 1988-kii, ka hor inta aanu ogolaansho diblomaasiyadeed ka helin dawladda France, Khibradiisii noloshaasi waxay dhiirigelisay filimka 2004, The Terminal, oo uu jilay Tom Hanks.

Mr Nasseri ayaa ugu dambeyntii la siiyay xuquuq uu ku noolaado Faransiiska, laakiin wuxuu ku soo laabtay garoonka dhowr toddobaad ka hor, halkaas oo uu ugu dhintay sababo dabiici ah, sida uu sarkaal ka tirsan garoonka u sheegay AFP.

Mr Nasseri waxa uu ku dhashay gobolka Khuzestan ee dalka Iran sanadkii 1945-kii, waxaanu markii ugu horaysay u duulay Yurub isaga oo raadinaya hooyadii.

Muddo sanado ah ayuu ku noolaa dalka Belgium, isagoo laga soo eryay wadamo ay ka mid yihiin UK, Netherlands iyo Germany, sababo la xiriira inuusan wadan warqadaha socdaalka ee saxda ah.

Ka dib waxa uu aaday Faransiiska, halkaas oo uu ka dhigtay gurigiisa 2F Terminal ee garoonkaasi ku yaal.

Waxa uu fadhiistay kursigii uu fadhiyey oo ay ku hareeraysan yihiin gawaadhi ay ku jiraan hantidii uu urursaday, waxa uu maalmihiisa ku qaatay in uu buugaag xusuus qor ah wax kaga qoro noloshiisa oo uu buugaag iyo wargeysyo akhriyo.

Sheekadiisa ayaa soo jiidatay indhaha warbaahinta caalamiga ah waxayna soo jiidatay indhaha Stephen Spielberg, kaasoo agaasimay filimka lagu magacaabo Terminal, oo ay jilayeen Hanks iyo Catherine Zeta-Jones.

Ka dib markii filimka la sii daayay, saxafiyiin ayaa u soo baxay si ay ula hadlaan ninkan laga hindisay filim Hollywood ah. Hal mar, Mr Nazzeri, oo isku magacaabay "Sir Alfred," wuxuu bixinayay ilaa lix wareysi maalintii, Le Parisien ayaa werisay.

Inkastoo sanadkii 1999 la siiyay sharci qaxootinimo iyo in uu ku sii sugnaado Faransiiska, wuxuu garoonka ku sugnaa ilaa 2006, markaasoo loo qaaday isbitaal si looga daweeyo xanuun. Kadib waxa uu wakhti ku qaatay in uu ku noolaado hudheel uu isticmaalo lacagtii uu filimkan ku helay,sida uu sheegay wargeyska Faransiiska ee Libération.

Mr Nasseri ayaa ku laabtay garoonka dhowr todobaad ka hor, halkaasi oo uu ku noolaa ilaa uu ka geeriyooday, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garoonka, Waxaa lagu helay dhowr kun oo Yuuro, sida uu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Post a Comment

0 Comments