Tuulo ku taalla Yurub oo lagu iibinayo qiimo jaban

Tuulada Salto de Castro

Tuulada Salto de Castro ee ku taalla waqooyi galbeed Spain ayaa waxaa lagu iibinayaa lacag dhan 259,000 dollar, Deegaankan oo ka tirsan gobolka Zamora ee dhaca xuduudda Bortaqiiska, ayaa waxaa ku yaalla guryaha ay caanka ku yihiin dadka u dhashay Spain.

Waxaa dhismayaasha kamid ah 44 guri, huteel, kaniisad, iskuul, goob lagu dabaasho iyo weliba xero ciidan, Hase yeeshee cillada haysata ayaa ah in aanay jirin cid hadda ku nool oo waxaa ay cidlo ahayd muddo ka badan 30 sano.Salto de Castro ee ku taalla waqooyi galbeed Spain ayaa waxaa lagu iibinayaa lacag dhan 259,000 dollar.

Deegaankan oo ka tirsan gobolka Zamora ee dhaca xuduudda Bortaqiiska, ayaa waxaa ku yaalla guryaha ay caanka ku yihiin dadka u dhashay Spain, Waxaa dhismayaasha kamid ah 44 guri, huteel, kaniisad, iskuul, goob lagu dabaasho iyo weliba xero ciidan, Hase yeeshee cillada haysata ayaa ah in aanay jirin cid hadda ku nool oo waxaa ay cidlo ahayd muddo ka badan 30 sano.

Milkiilaha tuuladan ayaa iibsaday horraantii qarnigan, waxaana uu doonayay inuu ka dhigo goob loo dalxiis tago, balse xasaradii eurozone ayaa ka horjoogsatay qorshahaas, Barta Idealista ee lagu soo bandhigay iibka tuulada ayaa waxaa uu milkiilaha oo 80 jir ah ku sheegay inuu "iibinayo maadaama uu yahay nin magaalada u badan, isla markaana uu fursad u waayay tuulada".

Dad badan ayaa muujiyay inay rabaan iibsashada tuulada qiimaha jaban awgii, Ronnie Rodríguez oo wakiil ka ah milkiilaha ayaa sheegay in 300 oo qof ay muujiyeen rabitaan ah inay iibsadaan tuulada. Dadkaas ayaa u dhashay dalalka Ruushka, Faransiiska, Belgium iyo UK. Xitaa qof ayaa lacag carbuun ah sii dhigay si aan looga iibsan tuulada, sida uu sheegay Rodríguez.

Salto de Castro ayaa waxaa sanadihii 1950-meeyadii dhishay shirkadda korontada dhalisa ee Iberduero, si ay u degaan shaqaalaha dhisay biyo-xireen ku yaalla meel deegaankaas u dhaw, Shaqaalahaas ayaa tuulada ka guuray kadib markii uu idlaaday mashruucii dhismaha biyo xireenka, waxaana gebi ahaanba Salto de Castro ay cidlo noqotay dabayaaqadii 80-meeyadii.

Aaggaas ayaa qeyb ka ah deegaannada loo yaqaan "miyiga Spain” oo ah dhul aanay ku nooleyn dad badan isla markaana aan laga helin inta badan adeegyada muhiimka u ah noolasha.

Ma aha markii ugu horreysay ee la beeciyo Salto de Castro. Waxaa mar lagu doonayay lacag dhan 7 milyan oo dollar, balse ma jirin cid iibsatay.

Qiimaha hadda lagu doonayo ayaa u dhigma inta lagu iibiyo guryaha halka qol ah ee ku yaalla xaafadaha dadka ladan ee magaalooyinka Madrid iyo Barcelona, Qofka iibsan doona tuuladan ayaa u baahan lacag ku filan si uu uga dhigo mid loo dalxiis taga oo uu ka macaashi karo.

Barta Idealista ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 2 milyan oo dollar loo baahan yahay si tuulada looga dhigo mid shaqeyneysa oo soo saari karta faa’iido wanaagsan.

Post a Comment

0 Comments