Luiz Inacio Lula da Silva, waa nin yaraantiisii kusoo koray saboolnimo, markii uu yaraa wuxuu caseyn jiray kabbaha, waxaa loogu yeeraa "siyaasiga ugu caansan adduunka", haatan mar kale ayuu soo shaac baxay.
In ka yar saddex sano ka dib markii xabsiga laga sii daayay xilli loo heystay eedo musuqmaasuq oo u muuqday inay saameysay siyaasaddiisa aya markii dambe meesha laga saaray. Axaddii, Luiz Inacio Lula da Silva ayaa markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Brazil.
"Waxaan isku arkaa nin ku howlan dib usoo nooleynta siyaasadda Brazil, waxay isku dayeen inay i aasaan aniga oo nool, haataan waxaan halkan u joogaa sidii aan ku maamuli lahaa dalka" ayuu yiri Lula Da Silva xilli uu dabbaaldegayay guusha uu gaaray.
Lula ayaa ka adkaaday Jair Bolsonaro oo ka tirsan xisbiga midigta fog, waana madaxweynihii ugu horreeyay ee Brazil oo looga guulaysto doorasho ku celis ah 24 sano ee lasoo dhaafay.
Sida laga soo xigtay guddiga doorashada, wuxuu helay boqolkiiba 50.88% codadkii la tiriyay halka Bolsonaro uu helay codad gaaraya 49.12%.
Lula oo mar ahaa nin dhallinyaro ah oo xishood badan, wuxuu labo jeer oo xiriir ah madaxweyne ka noqday Brazil intii u dhexeysay sanadihii 2003 iyo 2010-kii, wuxuu isku tilmaamaa in uu yahay madaxweynaha ugu caansan uguna sameynta badan qarniga gudaha dalka ugu weyn Latin Amerika.
"Lula waa nin matalayo dhacdo siyaasadeed iyo mid doorasho oo si weyn loog daneynayo caalamka," ayuu yiri John French, oo ah brofasoor ku takhasusay cilmiga taariikhda oo wax ka dhiga jaamacada Duke ee Mareykanka isla markaana ah qoraaga taariikha Lula Da Silva.
"Marxalad kasta oo noloshiisa soo martay waxay ku dhisnaa waxyaabo lala yaabo" ayuu yiri John French oo u warramayay BBC Mundo.
Waa kuma Luiz Inacio Lula da Silva? Noloshiisu waxay la mid tahay midda dad fara badan oo reer Brazil ah. Wuxuu dhashay sannadkii 1945-kii, wuxuuna ka dhashay qoys sabool ah oo dagganaa waqooyiga-bari ee dalka Brazil, wuxuu kasoo jeeday qoys beeraley ahaa.
Markii uu jiray da'da toddoba sano, qoyskiisu waxay u guureen magaalada São Paulo si ay shaqooyin u helaan - waana isla sida ay sameeyeen malaayiin qof oo reer Brazil ah oo isaga ka horreeyay kana dambeeyay.
Lula ma uusan baranin sida wax loo akhriyo ilaa intii uu ka soo gaaray da'da 10 sano. 14 sano markii uu gaaray, wuxuu helay shaqadiisii ugu horreysay oo dhanka biraha ah, taasoo uu ka billaabay warshadaha baabuurta sameeya ee ku yaalla duleedka magaalada São Paulo.
Sannadkii 1975-kii wuxuu hogaaminayay urur ay ku mideysnaayeen shaqaalaha dhanka biraha, wuxuuna guud ahaan sannadihii 1970-meeyadii iyo 1980-meeyadii gacan ka geysanayay qaban qaabinta shaqo joojin iyo mudaharaadyo looga soo hor jeeday xukunkii milatariga Brazil.
"Shaqaaluhu waligood waxba ma helin iyagoo aan dagaallamin, iyagoo aan dadaal dheer sameynin, iyo iyagoo aan dagaal diyaar u ahaanin ilaa inta ay dantooda ka gaaraan" sidaas ayuu ku yiri shaqaalaha bishii Abriil ee sannadkii 1980-kii, Isla bishaas gudeheeda, waxaa loo xiray inuu ku lug lahaa mudaharaadyada, wuxuuna xabsiga ku jiray muddo hal bil ah.
Markii uu yaraa Lula wuxuu wax ku iibin jiray waddooyinka, mar wuxuu caseyn jiray kabaha, wuxu sidoo kale ka shaqeyn jiray goob lagu feereeyo marna wuxuu xoghaye ka ahaa xafiis, Wuxuu waxbarashada ka tagay isaga oo 14 jir ah, markii uu jiray da'da 20 wuxuu noqday makaanik.
"Haddii aad i weydiiso ma garabka bidix ama midig baad ka tirsan tahay? waxaan ku jawaabayaa, aniga xirfadeyda waa farsamada makaanikada" ayuu yiri sanadkii 2006 mar uu la hadlayay warbaahinta.
Wax yar ka dib markii la sii daayay, wuxuu aasaasay Xisbiga Shaqaalaha, kaasoo ahaa xisbigii shacbi ee ugu horreeyay abid taariikhda dalka Brazil.
Xisbigaas ayaa wada mideeyay dhammaan ururradii ganacsiga, horumarinta iyo kuwii u doodi jiray xuquuuqda aadanaha, waxaana dhammaantood loo agaasimay iney hor seedaan isbaddalka awoodda dalka Brazil.
Hase ahaatee wux uu rafaad badan u soo maray inuu gaaro heerka ugu sarreeya ee nolosha. Lula wuxuu doorashada xilka madaxweynenimo u tartamay saddex jeer mana uusan ku guuleysannin, laakiin waxaa la doortay sannadkii 2002-dii.
"Lula wuxuu yaqaannaa dhaqanka shacabka Brazil, siyaasaddana waa xirfad ku dhisan qaabka aad dadka ula hadasho" ayuu yiri madaxweynihii hore ee Uruguay José "Pepe" Mujica, oo ay saaxibo dhaw yihiin Da Silva.
Markii uu xilka qabtayna wuxuu taariikhda Brazil ku galay inuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee isagoo shaqaale ah maamulka loo dhiibay, wuxuuna ku doodayay in xilligaas la joogay waqtigii bog cusub loo rogi lahaa aayaha Brazil.
"Isbeddel wuxuu ahaa eraygii noogu muhiimsanaa, oo waliba ahaa farriin ka socotay shacabka Brazil, dadweynaha ayaa go'aansaday in la gaaray waqtigii tallaabo cusub la qaadi lahaa". hadalkaas ayuu yiri mar uu khudbad ka jeedinayay munaasabaddii xilka madaxweyne loogu dhaariyay bishii Janaayo ee sannadkii 2003-dii.
Wuxuu Brazil ku hogaamiyay koboc dhaqaale oo lama filaan ah. Waxay u muuqatay inuu kharash fara badan u hayay barnaamijyada bulshada.
0 Comments