Atooraha aan weligiis wax dhunkan iyo sababta uu ku diiday.

Salman Khan

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka bisha December waxa ay ku beegan tahay dhalashada xiddigga caanka ah ee Bollywood-ka, Salman Khan.

Atoorahan oo lagu naaneyso “Walaalka” Bollywood-ka ayaa dhashay sanadkii 1956, haddana da’diisu waa 57 sano, Marka laga soo tago dhinaca filimada, nolosha dhabta ah ee Salman waa mid la yaab leh marka dhinacyo badan laga eego.

Tusaale ahaan, waa jilaa gabadho badan lasoo saaxiibay balse aan weli iskaabulo ahm weligiisna aan guursan, Waxaa jira dhowr arrimood oo ku saabsan Salman Khan, kuwaasoo dad badan laga yaabo in aysan rumeysan.

Dhunkasho la’aan: Hase yeeshee arrin kale oo uu uga duwan yahay jilayaasha kale ayaa in in weligiis uusan dhunkaso ama xiriir jinsiyeed ku sameyn filimka dhexdiisa.

Salman Khan ma jecla in uu wax dhunkado isagoo “shaashadda saaran” ama la duubayo, waana arrin uu soo waday tan iyo markii uu soo billaabay xirfaddiisa jilitaanka.

Jilaagan guulaha badan gaaray waxa uu jilista ku billaabay filimka 'Bibi Ho Toh Aisi' oo soo baxay sanadkii 1988. Ilaa xilligaas oo laga joogo ku dhawaad 35 sano weligiis wax dhunkasho ah kuma uusan sameyn filimka dhexdiisa, Wareysi uu hadda ka hor bixiyay ayuu ku sharraxay sababta uu door bido “dhunkasho la’aan”.

“Mar walba waan jeclahay in aan filimka dhexdiisa ku sameeyo waxyaabo edeb darro ah, dagaal iyo jacayl. Mar walba waxaan ka fogaadaa in aan dhunkasho ku sameeyo duubista filimka dhexdeeda, waxaa kale oo aan iska ilaaliyaa ilaan sameeyo qeybo galmo ah, sababtoo ah taageerayaasheydu waxay filimadeyda fiirsadaan iyagoo la jooga qoysaskooda,” ayuu yiri Salman.

Nin wax sawiridda jecel: Salman Khan waxa uu jecel yahay inuu sameeyo sawir gacmeedyada loo adeegsado rinjiga, baraha bulshada ayuuna kusoo bandhigaa farshaxankiisa.

Atariishada caanka ah ee lagu magacaabo Kareena Kapoor oo ay Salman Khan isla jileen filimka 'Bajrangi Bhaijaan' ayuu xilliga ay sameynayeen filimkaas hadiyad ahaan u siiyay sawir gacmeed uu isagu sameeyay.

Jilaaga kale ee lagu magacaabo Aamir Khan ayuu sawir gacmeed ugu hadiyeeyay filimka Ghajini. Aamir ayaa markaas si weyn u ammaanay qaabka wax sawiridda ee Salman.

Wuxuu fikrad ka helaa aabihiis : Marka uu Salman Khan rabo in uu kala ogaado waxa saxda ah iyo waxa khaldan hal qof ayuu u tagaa, kaasoo ah aabihiis, Salim Khan.

“Mar kasta oo aan khalad sameeyo, aabeheey ayaa ii sharraxa khaladkaas. Isaga ayaa ah qofka ugu weyn ee I dhaliila, waxaana jeclahay in aan ogaado fikirkiisa sababtoo an wuxuu u jawaabaa si daacad ah,” ayuu yiri Salman.

Waxyaabaha sida weyn loogu eedeeyo Salman Khan waxaa ka mid ah in uu Twitter-ka ku taageeray qaraxyo 1993-kii ka dhacay magaalada Mumbai oo mas’uuliyaddooda lagu eedeeyay kooxda Yakub Memon.

Aabihiis ayaa isla Twitter-ka kusoo qoray in hadallada wiilkiisa aysan wax micno ah lahayn, isagoo kula taliyay Salman in uu diiradda saaro filimada oo keliya. Salman ayaa markii dambe raalligelin ka bixiyay arrintaas.

Waxaa kale oo si weyn loogu xasuustaa in hadda ka hor lagu eedeeyay in uu gaari dad jiirsiiyay ka dibna goobta ka cararay.

Shilkaas oo dhacay 28-kii bishii September ee sanadkii 2002 ayuu ku dhintay hal qof. Waxaa lagu eedeeyay in uu gaariga kaxeynayay isagoo khamri cabsan, inkastoo uu beeniyay eedeyntaas. 2015-kii ayey maxkamad ku xukuntay 5 sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed.

Post a Comment

0 Comments