Mas’uuliyiinta isbitaal ku yaalla Hindiya ayaa sheegay in caafimaadka jilaaga ruug caddaaga ah ee lagu magacaabo Vikram Gokhale uu soo hagaagayo.
“Xaaladda Vikram Gokhale way sii fiicnaaneysaa, rajo fiicanna way leedahay. Indhaha ayuu kala furayaa gacmaha iyo lugahana wuu dhaqaajinayaa,” ayuu yiri Shirish Yadgikar, oo ah Madaxa Xafiiska Xiriirka Dadweynaha ee Isbitaalka Dinanath Mangeshkar.
Mas’uulkan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in Vikram qalabka caawiya neefsashada laga furo 48-ka saac ee soo socota gudahooda. War saxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka ayaa lagu xusay in cadaadiska dhiiggiisa iyo garaaca wadnihiisa ay labaduba caadi kuso laabteen.
Vikram Gokhale ayaa isbitaalka la dhigay 5-tii bishan November, tan iyo xilligaasna waxaa lala tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, Mar ayey soo baxeen warar sheegayay in uu geeriyooday, balse qoyskiisa ayaa durbadiiba sheegay in xogtaas ay tahay been abuur.
Gabar uu dhalay Vikram oo ka war bixineysay xaaladdiisa ayaa tiri: "Jilaaga weyn ee Vikram Gokhale weli wuxuu ku jiraa xaalad caafimaad oo adag, neefsashadana waa laga caawiyaa, balse weli ma uusan geeriyoon. Sii wada ducooyinka aad u sameyneysaan.”
Dad badan oo Soomaali ah, gaar ahaan taageerayaasha filimada iyo madadaalada kuma cusba magaciisa iyo wajigiisa midna. Waxaaba suurtagal ah in ay marar badan daawadeen filimada uu jilayay.
Waxa uu 14-kii bishii November ee sanadkii 1945 ku dhashay magaalada Pune ee dalka Hindiya.
Vikram waxa uu tobannaan sano ku soo dhex jiray xirfadda jilista oo uu magac weyn ku yeeshay, isagoo abuuray dhaxal ballaaran oo ay xiiseeyaan jiilasha ka dambeeya.
Filimada uu jilay waxaa ugu badnaa kuwa ku baxa luuqadaha Hindiga iyo Marathi-ga, sidoo kale waxa uu kasoo muuqday musalsallo aad u badan.
Ayeeyadiisa dhinaca aabbe, Durgabai Kamat, ayeeyadiisa dhanka hooyo, Kamalabai Gokhale iyo aabihiis Chandrakant Gokhale waxay dhammaantood ahaayeen jilayaal muhiim ahaa oo soo maray filimada Marathi-ga.
Durgabai Kamat waxa ay atariisho ka ahayd filimka "Mohini Bhasmasur” oo soo baxay sanadkii 1913.
Filimka Khuda Gawah oo uu qeyb ka ahaa Vikram ayaa soo baxay 30 sano ka hor, waxa uuna ka mid yahay filimadiisa sida weyn looga daba dhacay, sidoo kalena ah mid ka mid ah filimadii taariikhda galay cusub dhigay xilliga uu soo baxay.
Marka laga soot ago shaleemooyinka filimada luuqadda Marathi-ga, waxa uu sidoo kale magac ku lahaa kuwa luuqadda Hindiga.
Sanadkii 2010 waxa uu xirfaddiisa u beddelay hagista filimada, markaasoo uu agaasimay filimkiisii ugu horreeyay oo lagu magacaabo "Aaghaat”.
Ninkan oo hadda 75 jir ah ayaa sanadkii 2016 ka fariistay howlaha masraxyada jilista ka dib markii uu ku dhacay xanuun dhinaca dhuunta ah. Hase yeeshee waxa uu sii waday ka shaqeynta filimada.
0 Comments