Atariisho ka mid ah kuwa ugu caansan Bollywood-ka oo dhexda uga jirta “fadeexad”

Jacqueline Fernandez

Maxkamad ku taalla Hindiya ayaa oggolaatay in damiin lagu sii daayo aratiisha Bollywood-ka ee lagu magacaabo Jacqueline Fernandez, taasoo loo heysto kiis ku saabsan musuqmaasuq lacageed iyo hadiyad

Atariishadan 37 jirka ah ayey baaritaan ku sameeyeen waaxda sharci fulinta ee loo soo gaabiyo (ED), oo ah hay’adda dowladda Hindiya u qaabilsan dambiyada la xiriira dhinaca maaliyadda.

Waxay hay’addan atariishada ku eedeysay in ay sameysay wax isdamarin lacageed oo sharci darro ah, sidaas darteedna waxay doonayaan in xabsiga la dhigo.

Prashant Patil, oo ah qareenka u doodaya Fernandez ayaa beeniyay eedeymaha lagu soo dacweeyay haweeneyda jilaaga ah, waxa uuna ku adkeystay in uusan jirin wax kiis sharci ah oo ka dhan ah.

Waa tuma Jacqueline Fernandez? 
Kiiskan ayaa qabsaday warbaahinta Hindiya, maadaama ay atariishadan ka mid tahay jilayaasha ugu caansan dalkaas.

Jacqueline Fernandez oo ah gabar dharka xayeysiisa oo kasoo jeedda dalka Sri Lanka, horayna ugu guuleysatay abaal marinta haweeneyda ugu quruxda badan dalkaas, ayaa filimkeedii ugu horreeyay ee Bollywood-ka kasoo muuqatay sanadkii 2009, xilligaas wixii ka dambeeyayna waxa ay noqotay atariisho so weyn u soo shaac baxday.

Dadka filimada falanqeeya waxay dhaleeceeyaan xirfaddeeda jilitaanka, balse Fernandez waxa ay filimo lasoo jishay xiddigaha ugu waaweyn Bollywood-ka, sida Saif Ali Khan, Akshay Kumar iyo Salman Khan, waxa ayna kasoo muuqatay filimo aad u guuleystay.

Waxa ay ka qeyb qaadatay barnaamijyo masraxyada Hindiya lagu dhigay oo ay ku wehlinayeen xiddigaha ugu sarreeya ee Bollywood-ka, Shah Rukh Khan iyo Priyanka Chopra.

Warbaahinta ayaa ugu yeerta magacyo naaneys ah oo ay ka mid yihiin haweeneyda “loogu xiiseynta badan yahay”, “gabada ugu quruxda badan qaaradda Aasiya” iyo “mid ka mid ah dadka ugu caansan Hindiya”.

Balse tan iyo sanadkii lasoo dhaafay waxaa taagneyd hadal heyn saameyn xun ku yeelatay oo ku saabsan nin la sheegay in uu dadka si khiyaano ah lacag uga qaato, kaasoo ay ka heshay hadiyado qaali ah. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay in ay lacago isdaba marisay, iyadoo ka dhuumaneysa canshuurta.

Saraakiisha hay;adda ED ee qaabilsan baaritaannada dambiyada maaliyadda ayaa dhowr jeer ugu yeeray in ay su’aalo weydiiyaan, waxa ayna maxkamadda u gudbiyeen dacwado ka dhan ah iyada, in muddo ahna waxay raadinayeen fasax ay ku soo xiraan.

Hase yeeshee, maalintii Talaadada ayey maxkamadda soo saartay xukun ay ku taageereyso atariishada, iyadoo oggolaatay in ay damiin ku joogto bannaanka.

Muxuu yahay kiiska ka dhanka ah Fernandez?Kiiska oo dhan waxa uu salka ku hayaa xiriirka atariishadan kala dhaxeeya Sukesh Chandrasekhar, oo ah nin 32 jir ah oo lagu eedeeyay in uu dhac u geystay dad badan, kaas oo booliska iyo warbaahinta Hindiya ay ku tilmaameen “Qof wax khiyaameeya”.

Sida ku xusan warqadaha maxkamadda, Chandrashekhar, oo tan iyo sanadkii 2018 xabsi ugu jiray kiisas kale, ayaa magaciisa lagu soo daray dacwad cusub oo la gudbiyay bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, markaas oo lagu eedeeyay in uu 2020-kii qoys ganacsato ah ka dhacay lacag dhan 2bn rupees ($24.6m; £20.9m)

Qareenkiisa, Ashok K Singh ayaa beeniyay dhammaan eedeymahaas, isagoo sheegay in “In si khiyaano ah loogu soo oogay dacwado uusan wax lug ah ku lahayn”.

Intii ay socdeen baaritaannada, saraakiishu waxa ay ogaadeen in muddadii u dhaxeysay bilihii February ilaa August ee sanadkii hore uu Chandrasekhar hadiyado u diray Jaqueline Fernandez, kuwaasoo qiimahoodu uu ahaa ilaa 71.2m rupees. 

Hadiyadahaas waxaa ka mid ahaa boorsooyinka gacanta, dar, dahab, faras, gawaari loogu talogalay walaalaheed iyo waalidiinteeda, hanti iyo lacago caddaan ah.

Fernandez ma aysan inkirin in ay heshay hadiyadahaas, balse Mr Patil, oo ah qareenkeeda ayaa sheegay in iyada qudheeda ay ka mid tahay “dadka dhibaneyaasha u ah” qorshe la soo maleegay.

Post a Comment

0 Comments