Waa kuma weriyaha caanka ah ee geeriyooday isagoo toos u tebinaya ciyaartii Argentina iyo Netherland ee xalay?

Grant Wahl

Suxufi caan ah oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa geeriyooday isagoo si toos ah u tabinaya ciyaaraha adduunka ee ka socda dalka Qatar, Grant Wahl, oo 48 jir ah, ayaa istaagga ka dhacay iyadoo waqtiga dheeriga ah uu bilaabmay ciyaartii Argentina iyo Netherland ee xalay.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in laga yaabo in uu wadno xanuun ku dhacay, balse taasi wali si rasmi ah looma xaqiijin.

Bishii hore Mr Wahl waxaa muddo kooban xiray mas'uuliyiinta Qadar isagoo isku dayay inuu galo garoon isagoo xiran shaadh midabka qaanso roobaadka leh, taas oo uu taageero ugu muujinayay xuquuqda dadka la isku yiraahdo LGBT.

Bayaan uu soo saaray Xiriirka Kubadda Cagta Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay “ka naxeen” warka geerida weriyaha, "Taageerayaasha kubbadda cagta iyo saxaafadda waxay waayeen Grant oo soo bandhigayay sheekooyin xiiso leh oo madadaalo leh oo ku saabsan ciyaaraha," ayay tiri.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay xaaska Mr Wahl, Céline Gounder, ku sheegtay inay "naxsan tahay", waxayna intaas ku dartay inay "aad uga mahad celinayso" taageerada ay ka heshay saaxiibbada.

Mr Wahl ayaa dhalashadiisa 48-aad u dabaal-degay Khamiistii maalin un ka hor geeridiisa. Waxa uu Isniintii website-kiisa ku qoray in 10-kii maalmood ee la soo dhaafay uusan caafimaadkiisa wanaagsanayn sidaa darteedna uu isticaamalayo dawo antibiyootic ah taas oo uu isticmaalayay qabow looga shakiyay inuu haleelay.

“Ugu dambeyntii jirkayga ayaa adkeynsan waayay, ” ayuu qoray. Tobankii maalmood ee la soo dhaafay qabowgii aan ciyaaraha ku soo tabinayay ayaa i saameeyay inkasta oo xanuunka qabwoga uu sare u kacaay ciyaartii Mareykanka iyo Netherlands, waxaana dareemayaa qeybta kore ee xabadkeyga cadaadis iyo culeys.

“Ma qabin xanuunka Covid-19 oo baaritaan joogto ah ayaan sameeynayay, balse waxaan aaday xarun caafimaad waxayna ii sheegeen inay u badan tahay inaan qabo burukiito.”

“Madaxa Xiriirka Kubadda Cagta ee Adduunka Gianni Infantino ayaa sheegay in jacaylka uu Mr Wahl Kubadda Cagta u qabo ay tahay mid aan la soo koobi karin, waxa uu intaa ku daray in tebintiisa ciiyaaraha ay tebi doonaan dhammaan dadka daneeya ciyaaraha adduunka.”

Weriyeyaal dhowr ah oo UK u dhashay ayaa taci u diray. Piers Morgan waxa uu Mr Wahl ku tilmaamay inuu ahaa “weriye maskax furan, halka weriye Henry Winter oo ka hawl gala warbaahinta Times sheegay inuu ahaa “nin fiicaan” oo khatar ku ah tebinya ciyaaraha.

Weriyaha BBC-da ee ciyaaraha Dan Roan ayaa bartiisa Twitter soo dhigay: ” Grant Wahl waxa uu ahaa weriye caan ah oo aad loo qaddariyo.”

Guddoomiyaha Major League Soccer Don Garber ayaa isna bartiisa Twitter ku qoray: “Aad ayaa una naxnay oo aan uga qalbi jabnay musiibada ku timid Grant Wahl. Waxa uu ahaa qof naxriis iyo qaddarin badan kaas oo aan la cabiri karin shaqadiisii tebinta ciyaaraha.

Xiddigga ciyaarta Tennis-ka Billie Jean King ayaa sidoo kale tacsi u diray Mr Wahl waxa uuna ku tilmaamay inuu qareen u ahaa bulshada LGBTQ.

Dhanka kale afhayeen u hadlay kooxda Qadar u qaabilsan qorsheynta Koobka Adduunka ayaa sheegay: “Aad ayaan uga naxnay dhimashada weriyaha Mareykanka ee Grant Wahl.”

Post a Comment

0 Comments