Saraakiil ka socota Itoobiya , Jabuuti iyo Kenya oo kusoo biiray shir ka socda Muqdisho

Alshabaab, Somalia

Shirka Madasha Somaliya iyo dalalka safka hore oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ku soo biiray saraakiil militeri oo ka socta dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Somaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa guddoominayay shirkan ay sidoo kale ka qeyb galayaan wasiirro katirsan xukuumadda, dowlad goboleedyada iyo taliyaasha ciidamada Soomaaliya.

Shirkii maanta ayaa diiradda lagu saaray dejinta qorshaha wajiga labaad ee howlgalka, kaas oo dhinacyadu ku gorfeeyeen sida uu noqon doono howlgalkan wadajirka ah oo ay fulin doonaan ciidamada wadamada safka hore, sida ay madaxdu horay ugu heshiiyeen.

Shirkan oo beri lagu wado in lagu soo xiro magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in ay kasoo baxaan istaraatiijiyda dagaal la isku raacsan yahay oo lagu wajahayo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda AlShabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab la balaariyo ayna qeyb ka noqdaan ciidamada waddamada dariska ah, waxaana howlgalkan kaalin weyn ka qaadanaya ciidamo aad u badan oo ka socda dalka Itoobiya.

Post a Comment

0 Comments