Ciidamada kasoo horjeedo DENI oo war cusub kasoo saaray xiisadda Garoowe

Puntland

Taliska ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland ee taabacsan mucaaradka kasoo horjeedo madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ayaa war ka soo saaray xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Ugu horreyn taliska ayaa beeniyay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan uu ka wado magaaladaasi, kuwaas oo hore loogu eedeeyay, maadaama ay sababi karaan dagaallo horleh.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamadan oo ay horay isugu dhaceen madaxweyne Saciid Deni ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in la doonayo in bulshada deegaanka la barakiciyo, ayada oo eedda dhabarka loo saarayo ciidamada kumaandooska ah ee Danab.

“Ciidanka Kumaandooska Danab Puntland waxay bulshada Puntland gaar ahaanna kuwa caasimadda Garoowe u caddaynayaan in aysan jirin wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ka jira dhankeena” ayaa lagu yiri bayaanka.

Garoowe ayaa waxaa weli ka taagan xiisad u dhexeysa mucaaradka iyo xukuumadda oo horay ugu dagaalamay bartamaha magaaladaasi.

Shacabka Garoowe ayaa dhankooda welwel xoogan ka muujinaya xiisadda weli ka taagan halkaasi, maadaama ay isku hor fadhiyaan ciidamada labada dhinac.

Post a Comment

0 Comments