Al Shabaab oo isaga cararay deegaan ku dhaw Dhuusomareeb kaddib tagitaankii Madaxweynaha

Alshabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in dagaalyahanno katirsan Al Shabaab oo ku sugnaa deegaan dhaca duleedka magaaladaasi ay isaga baxeen halkaasi.

Sida aan wararka ku helnay Al Shabaab ayaa isaga baxay deegaanka Ceel lahelay oo kamid ah deegaannada hoostaga magaalada Dhuusomareeb, waxaana la sheegay in dagaalyahanno deegaankaasi ku sugnaa ay halkaasi isaga baxeen.

Ka bixitaanka kooxda AlShabaab ee deegaanka Ceel Lahelay ayaa imaanaya xilli madaxweyne Xasan Sheekh shalay gelinkii dambe uu gaaray magaalada Dhuusomareeb, halkaas uu ka hoggaaminayo howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.

Madaxweynaha ayaa bilaabaya abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Galgaduud, waxa uuna howlgalka si toos ah uga bilaabanaya deegaannada u dhaxeeya Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Al Shabaab ayaa lasoo daristay cabsi xooggan ay ka qabaan howlgalka uu madaxweynaha ka abaabulayo magaalada Dhuusomareeb, waxa ayna kooxdan wajahayaan dagaal culus oo isugu jira cir iyo dhul.

Post a Comment

0 Comments