Dowladda oo Shaacisay in howlgal qorsheysan lagu laayay xubno badan oo katirsan Shabaab

Alshabaab

War kasoo baxay dowladda Somaliya ayaa lagu shaaciyay In ka badan 30 dagaallame oo katirsan Al Shabaab lagu dilay howlgal ciidanka xoogga ka sameeyey Koofurta Mudug.

Howgalkan oo shalay ciidanka xoogga ka fuliyey dhulka howdka ah ee deegaanka Shabeellow, Koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday xarumo AlShabaab ku lahayd deegaankaas, waxaana kooxdaasi lagu gaarsiiyey Khasaare xoog leh.

Warka dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyey xarumo AlShabaab ku lahayd deegaankaas, waxaana lagu dilay in ka badan 30 dagaalyahan oo ay ku jiraan horjoogeyaal .

Ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ay la beegsanayaan goobaha AlShabaab gabbaad ka dhiganayaan.

Goobaha howlgalku beegsaday waxaa ka mid ah goob firxadka Khawaarijtu isku aruursanayeen waxaana halkaas lagu gaarsiiyey jab xoogg leh.

Post a Comment

0 Comments