NISA oo qabtay Ganacsadihii Al Shabaab hubka uga soo iibin jiray Dibada

NISA, Alshabaab

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa ninkii lagu eedeeyay in kooxda Al Shabaab kunteenaro hub iyo agabyo kale uga soo iibiyay dalka Shiinaha.

NISA ayaa sheegtay in ninkan ay qabteen uu ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee kooxda AlShabaab  uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

Sakariye Kamaal oo ah 28-Jir Soomaali ah, waxaa in muddo ah dabagal ku heysay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn suurto-gal noqotay in Hay’addu gacanta kusoo dhigto, xilli la sheegay in uu qorshaynayay in uu si dhuumaalaysi ah ugu sii gudbo goobaha ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda AlShabaab ee gudaha Somaliya.

Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana ninkan dhawaan loo gudbin doonaa Hay’adaha Garsoorka, si loogu qaado dembigiisa.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaataynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Ninkan ayaa horey waxaa u xiray ciidamada ammaanka dalka Kenya, waxaana ninkan la waayay xilli la filayay in gudaha Kenya lagu soo taago maxkamad, si loogu qaado kiiska uu u xirnaa ee ahaa in shixnado hub ah usoo iibiyay Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments