Shabaabkii laga saaray Gobollada Dhexe oo culeys saaray gobolka Gedo

Gedo, Alshabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay culeys soo saareen waddada xiririisa Degmooyinka Luuq iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay bar kontorool oo gaadiidka lagu canshuuro ka sameysteen deegaanka Geedweyne.

Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuux Xaaji (Macalimuu) ayaa xaqiijiyay in Shabaabku ay ku sugan yihiin deegaankaasi.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa sheegay in Shabaabka culeyska soo saaray waddadaasi ay yihiin kuwii dagaalka looga soo saaray Gobollada Dhexe.

Waxa uu sheegay in dhowr jeer ay ciidamo u direen halka ay Shabaabku kaga sugan yihiin waddada labada degmo, balse ay waddadaasi ka taggaan, marka ay ka war helaan in ciidamada ku soo wajahan yihiin.

Waxa kaloo uu sheegay in sida ugu dhakhsaha badan ay ciidamo u dejin doonaan deegaanka Geedweyne, taas oo meesha ka saareysa joogitaankii Shabaab ee waddada Doolow iyo Luuq.

Post a Comment

0 Comments