Ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo ku dagaalamay Doolow.

Somaliya, Itoobiya

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyay ciidamada Booliska Somaliya iyo kuwa Itoobiya uu ka dhacay gudaha degmada Doolow ee gobolkaas, kaas oo socday muddo saacado ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiya ay ku amreen kuwa Booliska in ay qaadaan bar koontarool oo ay ku lahaayeen degmadaas, taasna ay ka biyo diideen ciidanka Somaliya, waxaana sidaas ku qaraxay iska hor imaadka u dhexeeyay labada dhinac.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee dagaalkan ka dhashay, waxaana magaalada dib uga baxay ciidankii Itoobiyaanka ahaa ee soo galay, sidoo kale xirtay qaar kamid ah waddooyinka Doolow.

Dagaalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada Itoobiya ku amreen in degmadaasi isaga baxo Korneel Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo kamid ah siyaasiyiinta Gedo, kaa oo shalay warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiya ugu hanjabeen in magaalada ka saarayaan.

Guriga Barre Hiiraale ka degan yahay degmada Doolow ayaa la sheegay in ay joogaan ciidamo badan oo doonaya in ay difaacaan, waxaana waddooyinka gurigaasi gala xirtay ciiamo badan oo heyb ahaan ku difaacaya Barre Hiiraale.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee maanta soo galay degmada Doolow lama oga in ujeedkoodu ahaa in magaalada ka saaraan Barre Hiiraale iyo in kale, waxa ayna magaalada soo galeen xilli ay xiisad halkaasi ka jirtay.

Post a Comment

0 Comments