Militariga Itoobiya oo shaaca ka qaaday dilka 462 Shabaab ah

Itoobiya, Alshabaab

Militariga Itoobiya ayaa Arbacadii ku dhowaaqay in ay dileen 462 dagaalame oo Al-Shabaab ah kadib weerar fashilmay oo kooxda ay soo qaaday. 

Bayaan kasoo baxay ciidamada qaranka Itoobiya ee ENDF ayaa lagu sheegay in xubnahan lagu dilay deegaanka Rab Dhuure ee gobolka Bakool ee Somaliya kadib markii ay isku dayeen inay weeraraan kolonyo ka tirsan ciidanka oo ku sugnaa aagga. 

ENDF waxay shaaca ka qaadeen in maleeshiyada ay isku dayeen inay adeegsadaan 12 qof oo is-miidaamiyeyaal ah iyo saddex baabuur oo laga soo buuxay waxyaabaha qarxa. 

Militariga Itoobiya ayaa horey dhowr jeer u fashiliyey dhowr isku day oo Al-Shabaab ay ku geli laheyd bariga Itoobiya, si ay xuduudda uga fuliyaan weeraro, ayaa lagu yiri bayaanka. 

Post a Comment

0 Comments