Wasiirka Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo boggaadiyay guulaha Somaliya ka gaadhay la dagaalanka Al-Shabaab

Maraykanka,Somalia

Madaxweynaha dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar aan la shaacin ku tagay dalka Jabuuti, ayaa kulan gaar ah la qaatay Xoghaya Difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin.

Sida aan xogta ku helnay kulanka dalka Jabuuti ku dhax maray madaxweynaha Somaliya iyo Xoghayaha Difaaca dalka Mareykanka ayaa looga wada hadlay iskaashi labada dal ka yeeshaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah.

Xoghaya Difaaca ee dalka Maraykanka Lloyd Austin ayaa boggaadiyay guulaha dowladda Somaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxda AlShabaab, waxa uuna dowladda Soomaaliya u ballan-qaaday in ay ka caawinayaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Sidoo kale Lloyd Austin ayaa tilmaamay sida dowladda Maraykanka ay uga go’an tahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Mareykanka ayaa si weyn uga taageerta ciidanka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, waxa ayna Mareykanka duqeymo dhinaca cirka ah ku taageeraan ciidanka Soomaaliya, duqeymaha ayaana lagu dilay madax iyo xubno badan oo katirsan Al Shabaab.

Post a Comment

0 Comments