Dowladda oo Shaacisay in horjoogayaal badan Al Shabaab looga dilay Galmudug iyo Hirshabelle

Guul darada Alshabaab kasoo gaadhay Galmudug iyo Hirshabelle

Dowladda Somaliya ayaa guluf colaadeed ku qaaday kooxda AlShabaab ee ku sugan deegaannada maamulada Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana AlShabaab laga saaray dhul baaxad weyn oo hore gacantooda ugu jiray.

Howlgalka dowladda Somaliya ka bilowday deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa lagu dilay xubno aad u badan oo katirsanaa Al Shabaab, waxaana xubnahaasi ku jiray horjoogayaal iyo saraakiil sar sare oo laf-dhabar u ahaa kooxda Alshabaab.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay inta badan horjoogayaashii Al Shabaab ee ku sugnaa deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle laga dhigay kuwa la dilay iyo kuwa la dhaawacay.

Waxa uu sheegay wasiirka in jabhadihii Al Shabaab u dagaallami jiray ay gabaabsi sii yihiin, waxa uu sidoo kale xusay in Al Shabaab ka dhammaaday saadkii ayna wajahayaan xilligan xaalad adag.

”Qasaaraha kasoo gaaray Khawaarijta Hirshabelle iyo Galmudug waa mid ka culus inta la ogyahay, inta badan Horjoogayaashii Goboladaas waa wax dhintay, Dhaawacmay ama is dhiibay, Jabhadihii ayaa gabaabsi ah, Saadkiina waa dhamaad” ayuu yiri Al Cadaalada.

Dagaallo toos ah iyo duqeymo ay geesanayaan diyaarado dagaal ayaa lagu dilay xubno badan oo Al Shabaab katirsan, waxaana howlgalladii ugu dambeeyay Al Shabaab looga qabsaday deegaanno badan.

Post a Comment

0 Comments