Dowladda Somaliya oo shaacisay in Al Shabaab labo dhinac kala dagaallamayaan

Ciidanka xooga dalka

Dowladda Somaliya ayaa wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee heesata qeybo kamid ah degmooyinka iyo deegaannada Galmudug , waxa ayna dowladda dooneysaa in gabi ahaan kooxdaasi laga saaro gobolka.

War saxaafadeed kasoo baxay wasiirka maaliyadda xukuumadda Somaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Al Shabaab kula jirto labo dagaal oo kala ah mid dhaqaale iyo sidoo kale mid toos ah oo hub loo adeegsanayo.

Dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah AlShabaab ayaa wasiirka sheegay in ay sii soconayo, waxa uuna intaa raaciyay in kooxda Al Shabaab lala galayo dagaal nuuc kasta ah si kooxdaasi meesha looga saaro jiritaankeeda.

Dowladda Somaliya ayaa horey u qaaday tallaabooyin ka dhan ah kooxda AlShabaab gaar ahaan dhinaca maaliyadda, waxa ayna dowladda xirtay akoono badan oo Al Shabaab lacagaha loo marsiin jiray, sidoo kale xayirtay lacag badan oo kooxda qaadan jirtay.

Post a Comment

0 Comments