Xasan oo ka hadlay dagaalkii Cowsweyne, farriin culusna u diray ciidamada

Xassan sheekh

Madaxweynaha Xassan Sheekh Maxamuud oo Dhuusamareeb u jooga hogaaminta dagaalka lagu ciribtirayo AlShabaab ayaa farriin u diray ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka, taasoo ku aadan inay sii xoojiyaan gulufka ay dhabarka uga jabinayaan argagixisada sida uu yiri.

Mudane Xasan Sheekh ayaa ciidanka dareensiiyey inay dagaalka ka soo bilaabeen dhul boqolaal Km ka fog degmooyinka iyo deegaanada todobaadkii hore la xoreeyey, haatana Al-shabaab ay marayaan maalmihii noloshooda ugu xumeyd, ayna dhawdahay waqtigii guusha wayn laga gaari lahaa.

Waxa uu ka hadlay dagaalkii u dambeeyey ee ka dhacay deegaanka Cawsaweyne ee gobolka Galgaduud, kaasoo uu xusay in al-shabaab dacaayad been ah ka samaysay, isagoo xusay in sida dhabta ah la ogaaday in 190 ka tirsan al-shabaab ah dagaalkaas lagu dilay, kuwaasoo xabaal wadareed ay ku wada aastay, dhaawacoodiina ay dileen maadamaa aysan isbitaal u haynin, isagoo balan qaaday in dowladdu ay dib u baari doonto xabaal wadareedyada.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dul istaagay la xisaabtanka kuwa la siiyey awood dowladeed ee masuuliyadooda khiyaamay ama ka gaabiyey inay xilkooda si hufan u gutaan.

“Kuwa ka shaqaynaya inay ciidanka tashwiish galiyaan ogaada waa Shabaab” ayuu yiri Madaxweynaha JFS.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaarijta.

“Dagaalku waa soconayaa ma istaagayo, meelaha aan joogno kama soo noqonayno, guusha kama dambaysta ah ee aan raadinayno waan gaaraynaa” ayuu yiri madaxweyne Xasaan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay u midoobaan dagaalka lagu ciribtirayo al-shabaab oo ay ciidanka ku garab istaagaan xoog iyo xoolaba, si loo dhiirrigaliyo ciidanka, loogana guuleysto cadowga ragaadiyey horumarka dalka.

Post a Comment

0 Comments