Mareykanka oo duqeyn cusub ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Somalia, Maraykanka

Mareykanka ayaa sheegay iney duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen meel u dhow degaanka Cali Heelle ka dib dalab ka yimid dowlada Somalia

“Iyadoo la fulinayo Codsiga Dowladda Federaalka ee Somaliya ciidamada mareykanka waxay ku dhaqaaqeen weerar is-difaac ah oo ka dhacay meel u dhow degaanka Cali Heele, oo ku dhawaad 244 kiiloomitir waqooyiga kaga toosan Muqdisho 15kii Agoosto” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM.

Mareykanka ayaa intaas ku daray duqeymaha cirka ah lagu taageerayay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo ku guda jiray howlgal ka dhan ah Al-shabaab

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay iney ku dhinteen duqeyntaas 5 ka tirsan al-Shabaab ah isla markaana aan wax rayid ah la dhaawacin ama lagu dilin.

“Taliska AFRICOM wuxuu qaadanayaa talaabooyin looga hortago khasaaraha rayidka ah. Ilaalinta dadka rayidka ah kuwaasoo wali ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hawlgallada taliska si kor loogu qaado nabadgelyo iyo xasillooni” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Post a Comment

0 Comments