Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn xooggan oo lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab

Alshabaab

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo culus ku garaacay goobo lagu tuhmayay in ay joogaan dagaalamayaal katirsan AlShabaab , waxaana duqeyntan ka dhalatay khasaaro badan oo dhimasho sida Mareykanka sheegeen.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymo habeen hore ka fuliyeen deegaanno duleedka ka ah degmada Afmadow ee gobolka Jubadda Hoose, halkaas ay tilmaameen in ay ku sugnaayeen xubno katirsan  AlShabaab.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay in duqeynta Al Shabaab la beegsadeen kaga dileen 10-dagaalyahan, waxa ayna Mareykanka sheegeen in xoggo ay heleen muujinayaan  in aysan khasaaro kasoo gaarin duqeynta dad rayid ah.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyntan oo aheyd is difaacid fuliyeen, kaddib codsi uga yimid ciidanka xoogag dalka , waxa ayna sheegeen in ay sii wadi doonaan qimaynta natiijada hawlgalkan, isla markaana bixin doonana faahfaahin dheeraad ah xilliga ku habboon.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo badan la beegsaday saraakiil iyo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab, duqeymaha oo bilihii lasoo dhaafay hakad galay ayaa mar kale dib u bilaabeen ciidamada Mareykanka .

Post a Comment

0 Comments