Dowladda oo Shaacisay tirada Dagaalyahannada Al Shabaab looga dilay Dagaalka Shabeelow

Alshabaab

Dagaal culus oo socday saacado badan ayaa shalay deegaanka Shabeelow ee gobolka Mudug, ku dhaxmaray ciidanka xoogga dalka oo gacan ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo dagaallamayaasha kooxda Al Shabaab.

Dowladda Somaliya ayaa dagaalka ka dhacay deegaanka Shabeelow gaar ahaan dhulka howdka ah ka sheegatay guul, waxa ayna dowladda sheegtay in howlgalkaasi oo isugu jiray cir iyo dhul lagu dilay xubno badan oo katirsanaa AlShabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in howlgalka deegaanka Shabeelow AlShabaab looga dilay in ka badan 100- xubnood, halka tiro intaa ka badana looga dhaawacay.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka oo isgarab sanaya ay Al Shabaab ku burburiyeen dhul hawd ah, oo ay doonayeen in ay gabaad ka dhigtaan kana soo qaadaan weeraro.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka dowladda iyo ciidamada kale ee la socday Al Shabaab kala wareegeen hub kala duwan, kaddib markii Al Shabaab ka carareen hubkaasi.

Deegaanka Shabeelow gaar ahaan dhulka howdka ayaa shalay ilaa maanta waxaa ka socday dagaallo xooggan ay dhinac socdeen duqeymo dhinaca cirka ah oo lala beegsanayay kooxda Al Shabaab oo godad ka qotay dhulka howdka ah.

Post a Comment

0 Comments