War-murtiyeed laga soo saaray Wadahadaladii dhex maray Somaliya iyo Somaliland.

DF Somaliya iyo Somaliland oo ku heshiiyey 8 qodob.

Somaliya iyo Somaliland oo ku heshiiyey 8 qodob.

War-murtiyeed ayaa laga soo saaray shirkii dalka Jabuuti uga socday dowladda federaalka Somaliya iyo Somaliland, kaas oo ka kooban 8 qodob.

Qodobka koowaad waxaa lagu go’aamiyey in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaaro xal-waara.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in 30 maalmood gudahood go’aan looga gaaro hanaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhaqan-geliyo heshiisyadii horay loo galay sanadihii u dhaxeeyey 2012-kii ilaa 2020-kii.

Sidoo kale waxaa shirka Jabuuti ka socday labada maalmood lagu go’aamiyey in labada dhinac ay iskaashi buuxa ka yeeshaan dhinacyada amniga iyo ka hortaga dembiyada abaabulan, iyadoo iskaashi buuxa ay ka yeelanayaan hey’adaha labada dhinac.

Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in labada dhinac ay ka fogaadaan hadallada, qoraalada iyo wax kasta oo wax u dhibi kara jawiga wadahadallada ee socda.

Post a Comment

0 Comments