Shil diyaarad oo ka dhacay garoon ku yaalla BAKOOL

Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Ceelbarde iyo Khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Qaabka ay u dhacfay diyaaradu iyo khasaaraha.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta shil diyaaradeed oo khasaare gaystay uu ka dhacay degmada Ceel-barde ee gobolkaasi, kadib markii ay ku dhacday diyaarad sidday deeq gargaar ah oo ka baxday Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in diyaaraddu ay ka baxday dhabaha garoonka, taas oo keentay inay shilka gasho.

Diyaaradda ayaa sidoo kale ka baxday gebi ahaan garoonka, waxayan dhex gashay guryo ka agdhowaa oo ku yaalla halkaasi, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Duuliyihii diyaarada oo geeroyooday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duuliyaha diyaaradda uu geeriyooday, sidoo kalena dhaawac uu soo gaaray caawiyihii diyaaradda oo isna goobta lagala cararay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo ku baxay shilkaasi diyaaradeed.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan shilkaasi diyaaradeed ee maanta ka dhacay Ceel-barde.

Maaha shilkii ugu horreeyay ee ka dhaca garoomada gudaha, waxaana badanaa lasoo wariyaa dhacdooyin ka dhasha shilalkan, maadaam aynan dhisneyn garoomadaasi.

Somaaliya ayaa haatan kasoo kabaneysa burbur sanadooyin ku dhacay, kaas oo la degay kaabayaashii muhiimka u ahaa dhaqaalaha guud dalka.

Post a Comment

0 Comments