Ciidanka DF oo burburiyay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Bakool

Ciidanka xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-shabaab

Wararka ka imanaya Gobolka Bakool.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka sameeyay deegaano hoostaga degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta dalka.

Howlgalladan ayaa waxaa horkacayay guddoomiyaha degmada Waajid ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Yuusuf iyo Taliyaha Ururka 260-aad, Onkod Macalin Aadan, waxaana ay ciidamadu ku gaareen deegaanka Dhurey iyo tuulooyin kale oo u dhow degmada Waajid.

Saraakiisha howlgalllada sameeyay ayaa sheegay inay burburiyeen saldhiyo ay kooxda ku lahayd halkaasi, ayna gaarsiiyeen khasaare culus, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale  waxa ay intaasi ku dareen inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan aagga Bakool, si looga Al-Shabaab looga xoreeyo deegaanada gobolkaasi.

Guddoomiya degmada Waajid oo ka hadlay howlgalada.

Dhankiisa guddoomiya degmada Waajid Maxamed Macallin Yuusug oo ka hadlay howlgalada ayaa sheegay in haatan ay diyaar u yihiin ka qeyb-galka wajiga labaad ee howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee la filayo inay ka billowdaan deegaanada Koonfur Galbeed.

Maxamed Macalin ayaa sidoo kale farriin u diray dadka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay ciidamada huwanta ku taageeraan dagaalka adag ee ay kula jiraan Al-Shabaab.

Awooda ay shabaab ku leeyihiin Baay iyo Bakool.

Baay iyo Bakool ayaa kamid ah meelaha ay haatan ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo culus oo gaysta khasaare kala duwan.

Post a Comment

0 Comments