Dowladda oo Faah faahisay howlgal lagu dilay Saraakiil iyo xubno katirsan Al Shabaab

Duqeyn maanta ka dhacday Kuntuwaarey oo lagu laayay xubno badan oo Shabaab ah

Wararka ka imanaya gobolka Shabeelaha Hoose

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo ka dhacday degmada Kuntuwaarey ee gobolka Sh. Hoose, taas oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Somaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Duqeynta ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayeen halkaasi, sida ay shaaca ka qaaday dowladda Soomaaliya.

Warsaxafadeed kasoo baxay Dawladda.

Warsaxafaadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu guuleystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Waxaa kale oo ay dowladduu xaqiijisay in duqeyntan lagu dilay illaa 7 xubnood, luguna dhaawacay 4 kale oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida lagu sheegay qoraalka.

Sidoo kale dowladda Somaaliya ayaa xaqiijisay in duqeyntaan aysan wax waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kuntuwaarey ee Shabeelaha Hoose.

“Howlgalkaas dad shacab ah waxbo kuma noqon waxaana uu kusoo dhammaaday guul iyo sidii loo qorsheeyey” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarka dhanka cirka ah ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada culus ee ay ku beegsanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Post a Comment

0 Comments