Maxuu yahay Doorka militari ee Imaaraadka Carabta ee Somaliya?


Doorka militari ee Imaaraadka Carabta ee Somaliya:

Imaaraatka Carabta ayaa Somaliya ka taageera dhanka tababarida Ciidamadda cusub ee loo diro dalalka deriska. Saraakiisha Imaaraadka iyo kuwa Soomaaliya ayaa iska kaashada oo ka shaqeeya qorista askarta cusub ee xera Gordon Muqdisho

Ciidamadda lagu qoro Xerodaan ayaa loo diraa Dadalal ay Uganda kamid tahay, si tababar halkaa ugu soo qaataan. waxaa sidoo kale  tababar dheeraad ah lagu bixiyaa isla xerada. Xerada ayaa loo isticmaal saldhig iyo Keeyd dib loogu adeegsado marka ay ciidamada tabaradda soo dhameeystaan.

Xero Goordon waxaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay  Wadamadda Khaliijka, markii xiriirka Soomaaliya  iyo Imaaraadka Carabta uu xumaaday, Imaaratka iyo dowladihii taageersanaananay go’doomiyeen Dalka Qatar oo dowladii xiligaas ay la aheeyd saaxiib dhaw. 

Goorta dib boorka looga jafay 

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta ayaa mar kale dib u hagaagay kadib dib u dorshadii Madaxweyne Xasan sheekh bishii 15/May/ 2022. 

Lagasoo Bilaabo Bisha May 2022, Macalimiinta Ciidan ee Dowlada Imaaraadka waxay dib ugu soo laabteen Xiradii la xeray ee Gordon, iyagoo dib boorka uga jafay tababaradii ciidamada Somaliya ay siinayeen iyo taageerrada militari. 

Faa`iidada laga helay tababarka imaaraadka carabta 

Sanadii 2022-kii Imaaraadka waxa uu tababar siiyay shan guuto oo ciidan,  guutooyinkaan Sedex kamid ah waxeey toos uga qeeyb qaataan howlgallada Xoogga dalka ay ku qaadeen kooxda Khawaarijta ah ee AS,  Gutooyinka kale ayaa ah kuwa Wax weeyn ka badalay Aminga Caasimada Muqdisho, waana gutooyinka loo yaqaan Booliska u howlgala sida Militariga ee haaya amniga caasimada. kuwaas fadhisimo ku leh Xero Hiilweeyn, Deegaanka Jaziira, Carbiska, Sarta Xaawa Casir, iyo Fadhiisimo kale oo ay ka sugaan Aminga Caasimada.

Post a Comment

0 Comments